Sheekh Aaden Sune Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Magta Gabadha Muslimada Ah

0
621

Picture4Hargeysa(Geeska):-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame(Aadan Sune) oo ka mid ah culimada Somaliland ayaa  ka hadlay masalada la xidhiidha inay raga iyo dumarku ka siman yihiin dhinaca magta, taas oo uu hore u sheegay gudoomiyihii hore ee guddida wanaag farista iyo xumaan reebistu inay raga iyo dumarku ka siman yihiin dhinaca magta.

Sheekh Aadan Sune oo khudbadii salaada jimce shalay  ka jeediyey masaajidka Al Firdaws ee magaalada Hargeysa ayaa kaga hadlay arintan waxaanu  tilmaamay inaanay raga iyo dumarku sinayn  isla markaana ay leeyihiin xuquuqo kala duwan oo ilaahay midba midka kale kaga fadilay.

Ugu horayn sheikh Aadan Sune oo ka hadlaya masaladan la xidhiidha in raga iyo dumarku ay ka siman yihiin dhinaca magta ayaa waxa uuu yidhi “Waxa aynu marka hore ogaanaynaa in gabadha muslimada ah ilaahay aanu  xaqirin,  rasuulka iyo diinta islaamkuna meeqaamkeeda hoos umay dhigin, camalkana isku mid ayaa lagaga abaal marinayaa raga iyo dumarka haday ciqaab la yimaadaan iyo haday ajar mutaystaan, bina aadanimada iyo mabdana waa isku mid ilaahayna quraankiisa ayuu inoogu sheegay, waxay umada islaamka ahi si cad u fahmeen inaanay gabadhu dhinac walba ninka kala sinayn, sababta aynu cuskanaynaa waxa weeye ilaaha abuuray basharka ee yaqaana wixii u wanaagsan, waana  ilaaha abuuray makhluuq kastana siiyey wixii u haboonaa ee hanuuniyey wixii munaasibka ku ahaa, masaladan ah in raga iyo dumarku ay ka siman yihiin dhinaca magta waxa loola noqonayaa sharciga ilaahay,sida ay culimada cadeeyeen kuwa ku andacoonaya in raga iyo dumarku ay ka siman yihiin dhinaca magta waxay noqdaan kuwo baadi ah, waxaanay fahmin shareecada ilaahay dhamays tiray inay la timid oo ay ku dhisan tahay in cidii xaq lehba xaqeeda loo dhameeyo.”ayuu yidhi Sheekh Aadan Sune.

Sheekh Aadan Sune oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray sheekha ku dhawaaqay inay raga iyo dumarku ka siman yihiin dhinaca magta, waxaanu ku hanbalyeeyey guddida wanaag farista iyo xumaan reebista talaabada ay ka qaadeen gudoomiyahoodii oo hadalkaasi ka soo baxay waxaanu yidhi “Waxaanu kuugu  naseexaynaynaa  xaq marka laguu sheego inaad u noqoto ayaa fadli ah oo raganimo ah oo geesinimo ah, adiguna naftaada u tudh oo dib iskugu noqo, culimada ayaanad la naaqishi lahayd intii aanad bayaankan bixin, waxaanan kuugu naseexaynayaa walaalka muslimka ahow inaad u soo noqoto xaqa, odoyaasha wanaag farista iyo xumaan reebistana waxaan ugu hanbalyeynayaa in markii uu hadalkaasi kaa soo baxay ay kaa qaadeen xilkii ay kuu dhiibeen,maantana waxaan ogaanay inay diintooda taag cilmi iyo aqoon dhigaba inay u dhiidhiyayaan, sheekhana waxaan leeyahay intaad ilaahay u toobad keento culimada wax iskala baro oo iska shaqayso kaalin la qabtana halkii u waynayd ayaad inoo haysay dib ugu noqo anaga ayaana ku dooran doona balse waa inaad xaqa u soo noqotaa.”ayuu yidhi Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame Aadan Sune,

 

Sidoo kale Sheekh Aadan Sune waxa kale oo uu khudbadiisa salaada jimce ee shalay  ku soo qaaday xadiisyo,aayado quraan oo ay isku raacsan yihiin culimada islaamku(Ijmaac) kuwaas oo dhamaantood sheegaya inaanay raga iyo dumarku ka sinayn dhinac walba ee uu mid waliba xuquuq u gaar ah leeyahay.