Shaybaadh Maskaxda Ah Oo Donald Trump Maskaxda Lagaga Sameeyey, Natiijada Soo Baxday Iyo Dawooyin Uu Madaxweynuhu Joogto U Isticmaalo

48
3248

Washington (Geeska)- Xaaladda caafimaad ee madaxweyne Donald Trump wax warwar ah ma’ laha, naftiisa looma baqanayo, dadka uu u taliyana looma baqanayo, ma qabo asaasaq ‘Dementia’ iyo xanuunka unugyada maskaxda dila ee Alaymarkas (Alzheimer) iyo xitaa cillad kale oo dhaawac ama dhibaato ku ah garaadkiisa. Sidaas waxaa lagu caddeeyey natiijada shaybaadho lagu sameeyey caafimaadkiisa maskaxeed. Laakiin waxa ay sheegeen cillado kale oo caafimaadkiisa guud aan u fiicnayn in uu leeyahay:

Miisaankiisu waa saayid

Trump oo ah 71 jir dhererkiisu 1.90 mitir yahay, waxa uu caafimaad ahaan ku qasban yahay in uu wax ka beddelo nidaamkiisa cunto iyo in uu jimicsi badan sameeyo si uu u yareeyo buurniada iyo miisaankiisa ka batay 108 kiiloogaraam. Waxa se yaab leh in warbixintiisa caafimaad ay ku sii talaxtagtay sheegidda caafimaadka madaxweynaha, oo waxaa lagu yidhi, “Haddii uu talooyinkaas qaato 200 oo sano oo dambe waa uu noolaan karayaa, haddii uu doono”

Shabakadda wararka ee Alcarabiya oo warbixintan uu Geeska Afrika ka soo xigtay ayaa sheegtay in dhakhtarka gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka Dr. Rony Jackson uu sheegay in shaybaadhkan oo ah kii koowaad ee Trump lagu sameeyo intii uu xilka qabtay, lagu ogaaday in madaxweyne Trump miisaankiisu uu ka badan yahay inta caafimaad ahaan saxda ah. Waxa kale oo warbixinta caafimaad ee madaxweynaha lagu ogaaday in uu madaxweynuhu si joogto ah u isticmaalo dawada magaceeda ganacsi ‘Propecia’ yahay oo magaceeda kiimikaad yahay ‘Finasteride’ taas oo la dagaalanta bidaarkta iyo in timuhu daataan.

Shaybaadhka madaxweynaha oo jimcihii la sameeyey, muddo saddex saacadood ahna qaatay, ayaa lagu sheegay in xaaladda caafimaad ee maskaxdiisu aad u fiican tahay. Waxa aanay hoosta ka xariiqeen in xaaladda Trump ay aad u sii fiicnaatay intii ka dambaysay markii uu khamriga iyo sigaarka joojiyey. Ugu dambayntii Dr. Jackson waxa uu ku adkaystay in xaaladda caafimaad ee Trump aanay diidayn in uu shaqada qaranka sii wado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here