Sawirkii Ugu Horreeyey Abid Gabadh Timaheedu Muuqdaan La Gasho Dagaalyahannada Ururka Daalibaan

65
5114

Kaabul (Geeska)- Saxafiyad sawirqaad ah oo u dhalatay dalka Afqaanistaan ayaa ku guulaysatay in ay sawirkii nooca qofku iska qaado (Selfie) ahaa ee taariikhda ugu horreeyey ay la gashay xubno ka tirsan ururka Daalibaan, iyada oo aan xidhnayn xijaab. Arrintan ayaa dhacday intii lagu gudo jiray xabbad joojin ay dhowaan munaasabadda ciidda awgeed ku heshiiyeen dawladda Afqaanistaan iyo Dhaqdhaqaaqa Daalibaan.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Farasaanah Faahidi ayaa maalintii labaad ee ciidda soonfur oo ku beegnayd sabtidii ay bisha Juun ahayd 16 waxaa u suurtagashay in ay sawirkan la gasho raggan Daalibaan ka tirsanaa, oo ogolaaday in ay la gasho. Kaddibna waxa ay ku faafisay barkulankeeda bulsho ee internet ka.

Sawirrada ay Farasaanah la gashay raggan Daalibaanka ah ayaa si aad ah ugu faafay burkulannada kala duwan ee internet ka, waxa aanay noqotay dhacdo ka mid ah kuwii loogu hadal haynta badnaa maalmahaas.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta Daalibaan oo markii dambe sawirkan ka hadlay ayaa cadho ka muujiyey in xubnahani ay ogolaadan in sawir noocan ah ay galaan, waxa aanay ku hanjabeen in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan xubnahan sawirka ka soo muuqday.

Farasaanah Faahidi waxa ay hore ugu guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee sawirqaadista warbaahinta, isla markaana waa gabadhii ugu horreysay ee Afqaanistaaniyad ah ee u shaqaysa hay’ad caalamiya. Mar ay sawirkan ka hadashay waxa ay sheegtay in ujeedada ay ka lahayd sawirkan aadka u dhiirrani ay ahayd in uu sabab u noqdo in la dareemo muhiimadda kaalinta ay gabadhu ku dhex leedahay bulshada, iyo xilka iyada qudheedaba ka saaran nabadraadinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here