Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Shaacisay Shir Caalami Ah Oo Lagaga Hadlayo Maalgashiga

0
608

Hargeysa (Geeska) Gudoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha ee  Somaliland  Jamaal Caydiid ayaa sheegay in ay marigalinayaan Shirka Maalgashiga oo ka furmaya Magaalada Hargeysa.

Gudoomiye Ku-xigeenka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha ee  Somaliland  Jamaal Caydiid  oo shirkaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha  Somaliland waxay  martigalineysaa shirka  Maalgashiga oo ka dhici doona magalada Hargeysa   14ka aad iyo 15 ka Febraayo.
Shirka waxaa loogu  magac daray, " Maalgashi Taabagal ah iyo Xidhiidh Dhaqaale u wanaagsan Dunida" Shirka waxaa looga golleeyahay in ay isugu yimaadaan Dawladda, hogaamiyayaasha Ururada Ganacsatada,  Ganacssatada iyo Daneeyayaasha maalgashiga caalamiga iyo in la dhiso xidhiidh ganacsi oo joogtaysan  si kor loogu qaado koritaanka dhaqaale ee gobolka” .

Wax akale oo uu intaasi raaciyey. “Shirka waxaa diiradda lagu saarayaa mawduucyo kusaabsan sidii loo dhisilahaa xidhiidho ganacsi oo xoogan oo u dhexeeya Somaliland, Geeska Africa iyo Ganasatada caalamiga ah. Waxaa sidoo kale shirku isku xidhayaa  qaybaha  ganacsiga ee kaladuwan si loo gaaro miradhalo dhaqaale oo waara. Shirka waxaa lagu soo bandhigayaa fursadaha iyo caqabadaha ganacsiga ee kala duwan. Shirka waaxaa si gaar ah lagu soo bandhigayaa lagu falanqayn doonaa qaybaha ganacsi, gaar ahaan, Beeraha, Kaluumaysiga,  Xoolaha, Tamarta iyo kaabayaashooda ayaa lagu soo badhigayaa”.

“Shirka waxaa ka soo qaybgalaya Rugaha Ganasiga ee Somalia, Jabuuti, Ethiopia, PanAfrica, iyo Dawlad Degaanka Somalia ee Ethiopia iyo Ganacsato ka socota dalal badan ee dunida gaar ahaan Holland, Kenya, UK, Denmark, Uganda, Geeska Afrika iyo Somali Diaspora iyo kuwo kale.

“Waxaan ku rajo waynnahay in uu shirkan noqdo mid mirodhal ah oo keena xidhiidh ganacsi oo waara Somaliland, Gobolka iyo Aduunkaba’ ayuu yidhi Jamaal Caydiid, Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland.

Gabagabdii, Rugta Ganacsiga ee Somaliland, waxay ay si gaara ah ugu mahadcelinaysaa taageerada Dawlaadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Wasaaraddad Arimaha Dibedda. Waxa kale oo ay u mahad naqaysaa Mashruuca “Promoting Inclusive Markets in Somaliland/Somalia (PIMS) oo suurta gelisay qabashada shirka. PIMS waxaa maal geliyay Hayaddaha DFID ee dawladda UK iyo Dawladda Denmark (DANIDA).”