Qaar Ka Mid Ah Madaxda Dhaqanka Garxajis Oo Beeniyay Inay Madaxweynaha Wada Hada La Fureen

40
3126

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka beelaha  Garxajis ayaa beeniyay in wax wada hadal ah uu u socdo  beeshooda iyo xukuumada madaxweyne Biixi oo ay hore ugu soo jeediyeen inay fuliso siddeed qodob oo ay ka soo saareen shir ay ku qabteen buurta Gacan-libaax.

Madaxdhaqameedkan ayaa xukuumada ku dhaliilay in aanay waxba ka fulin go’aamadii la soo saaray makra laga reebo nabadaynta beelihii ku dagaalamay Ceel-afweyn, waxaanay madaxweynaha ugu baaqeen in lagu soo laabto wadadii wax wada lahaanshaha ee Somaliland.

Boqor Faysal Cismaan Faarax oo ugu horayntii halkaas ka hadlay waxa uu yidhi“Inaanu beenino dadkayagana u cadayno warar kutiri kuteen ah oo baraha bulashada ku badnaa,kaas oo ahaa in Garxajis iyo maamulka maanta meeshan ka jira wada hadal kulan iyo shirar ay u socdaan, wax ka jiraa ma jiraan reerku waa uu shiray go’aan ayuu gaadhay Gacanlibaax ayaa uu gaadhay waxii uu go’aanka ku gaadhayna miiska maamulka maanta jira ayay saaran yihiin,cid wax ka badali kartaana ma jirto cid la kulmi kartaana ma jirto, wadahadal iyo waan waan noo socotaana ma jiraan, haduu wax ka qabnaayo maanta maamulka jiraa waxii dalka iyo dadka aanu u aragnay inay dani ugu jirto hortiisa ayay yaalaan waana laga sugayaa.”

Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi ayaa isagu sheegay in beeshoodu ay qaadacday shir Xarshin lagu qabanaayo, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi“Shir beryahanba la wadwaday oo la lahaa waa Isaaq oo xarshin ayaa lagu qabanayaa hadaanu nahay beel weynta Garxajis waxaanu cadaynaynaa  in aanan ku jirin anagu shirkaas, shirka aanu qabanaynaana aanu ku qaban doono deegaanada Garxajis kolba deegaankii laysla garto, dawlada Itoobiya iyo kililkana  waxaanu leenahay sidaas ayaanu idiin sheegaynaa dhulka ugu badan anaga ayaa degana inuu dulman yahayna cid waliba waa ay ogtahay.beelihi dulmanaa sida Garxajis oo kalena kulamadii aanu la yeelanaynay waanu bilaabaynaa.”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldan Madar ayaa isaguna xukuumada ugu baaqay inay fuliso qodobadii ay soo saareen, si Somaliland ay u noqoto mid la wada leeyahay “Garxajis waa uu shiray dibad iyo gudaba waa uu iskaga yimid go’aan ayuuna ku gaadhay buurta gacanlibaax, go’aankaas dan gaar ah oo uu Garxajis leeyahay may saarin xooga laakiin maanta dalku xaalada uu ku sugan yahay iyo qalooca ku jira ayaa xooga la saaray, sidii loogu soo celin lahaa wada-lahaanshii iyo dawladnimadii sidii loo samaystay, oo ah dawlad loo siman yahay oo ah nidaamkii umaddu dhigatayna ku shaqaynaysa dadkuna gees ilee gees ay u siman yihiin, go’aanadii la gaadhayna miiska xukuumada ayay saaran yihiin waa sideed qodob oo saddex ay quseeyaan Garxajis, shan qodobna dalka iyo dadkaba aanu kaga hadalnay Ceel-afweyn mooyaane intii kale waxba lagama fulin waanuna u fadhinaa, waxaanu leenahay dan aanu leenahay kamaanu taline dalka iyo dadkaanu ka talinay ee xukuumada halkan joogta waxaanu leenahay waa in la fuliyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here