“Qaanuunkii Isku Keenay Somaliland Iyo Somaliya Meesha Wuu Ka Baxay; Inay Wada Fadhiistaana Labada Dhinacba Dan Baa Ugu Jirta”

33
2981

Hargeysa (Geeska)-Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay sida ugu haboon ee uu arko inay Somaliland ku heli karto aqoonsi, waxaanu sheegay in qanuunkii isku keenay labada dal uu meesha ka baxay, waxaanu dawladda kula taliyay wada hadalada Soomaaliya.

Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Arinta Aqoonsi waa arin dawlad kasta u taala, laakiin se anigu Somaliland aqoonsigeeda sida aan u arko halkay ka bilaabaysaa waa wada hadal, Somaliland iyo Somaliya ah, oo 1960 qanuunkii isku geyeey  labada Dal, midna maanta ma waafaqsana, oo wey caddahay in qanuunkii isku keenay Somaliland iyo Somaliya meesha uu ka baxay inay wada fadhiistaana laba dhinacba dan baa ugu jirta, oo qanuunkii 1961 uu saxeexay Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyadii Somaliyeed Aadan Cabdule Cismaan, waxaanu isku tagaasi caddaynayaa in laba Dawladood oo mid kastaaba dhinaceeda u madax banaan tahay,  isku taga laba dawladoodna wuxuun baa ka dhasha, wixii ka dhashay ayaa imika la isku hayaa”.

Prof:Buubaa ayaa mar uu ku talinaayey in ahmiyad weyn la iska saaro wada hadalada Somaliya ayaa yidhi “Ama Ingiriis ha noqoto ama kale ha noqoto ahmiyad weyn baan u arkaa inay Somaliland xil culus iska saarato oo danteedu ku jirto inay Dawladnimadeeda u soo bandhigto Somaliya, u soo bandhigto Geeska Afrika, Afrika u soo bandhigto, Caalamka u soo bandhigto, sidoo kale waxa muhiim ah in Somaliland u soo bandhigto Somaliya, Wadamada Afrika iyo Caalamka in wixii la iskugu yimid in aanu maanta shaqeeynayn, isku tagi halkaas buu ku dhammaaday, ee Somaliland iyo Somaliya siday wax u wad qabsan karaan ee kale waa inay si wanaagsan uga wada hadlaan, balse Wadamada kale ee Geeska Afrika inay wada hadalka ka mid noqdaan oo ay la joogaan waa muhiim”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here