Nabi Muuse Iyo Qoyskii Saboolka Ahaa Waxa qoray Cabdishakuur Ismaaciil Aadan

0
1057

Qiso Cajiiba Oo Ku Cibro Qaadasho Mudan!

Wakhtigii Nabi muuse CS ayaa waxaa jiray qoys faqiira oo ku noolaa nolol adag oo cidhiidhiya sanado badan ayay sidaa ahaayeen. Waxay nololasha la halgamaanba oo ay sabir iyo adkaysi ku noolaadaanba.

Habeen kamida habeenada ayaa ninkii iyo gabadhiisii oo furaashkoodii fadhiyaa waxay gabadhi waydiisay odaygeedii “miyaanu Muuse CS ahayn nabigii iyo Kii Allah sida tooska ula hadla” wuxuu ugu jawaabay “haa wuu yahay” waxay tidhi “ maxaad ugu tagi wayday oo aad arinkeena ugu sheegi wayday ood uga dalbi wayday inuu Alle inoola hadlo oo uu inoo waydiiyo inuu Taajiriin inaga dhigo si aynu inta nolosha inooga dhiman ugu noolaano farxad, badhaadhe iyo nolol qurux badan”

Wuxuu yidhi “waayahay marwo waan u tagayaa waanan u soo bandhigayaa arinkeena” kadib subaxdii ayuu u tagay nabi Muuse CS waxaanu uga waramay xaalkooda nolololeed waxaanu ka soo dalbaday inuu Alle ula hadlo oo inuu Tujaar ka dhigo.

Kadib Nabi Muuse CS waa uu u tagay si uu ula hadlo Alle oo ugu bandhigo xaalka qoyskan faqiirka ah Alle ayaa ah mid cidkasta Maqla arkana’e oo aanu shayna ka qarsoomi karine. Kadin Alle sareeye wuxuu ku yidhi nabi muuse CS “ U SHEEG INAAN IYAGA TUJAAR KA DHIGAYO FADLIGAYGA DARTIIS LAAKIIN WAA HAL SANO OO KALIYA, SANAD KADIBNA AYAY SIDOODII KU SOO NOQON DOONAAN”  kadib Nabi Muse waa uu u  tagay qoyskii waana u bushaarayeey in Alle SW ka aqbalay Ducadoodii laakiin ay sanad kaliya Tujaar ahaanayaan.

Kadib ninkii iyo gabadhii waxay farxeen farxad aad u wayn kadib Alle SW badalay noloshoodii hore waxaanu ka arsaaqay meel aanay ogayn waxaanay mudo kadib noqdeen Tujaar. Noloshoodii waa ay is badashay waxaanay noqdeen qaar farxad iyo damaashaad ku nool. Kadib gabadhii caqliga wanaagsanayd ayaa ku tidhi odaygeedii “Xaaji sow ma ogid inaan noloshan ku noolaanayno sanad kaliya kadibna aan Fuqaro ku noqonayno”  ninkii wuxuu yidhi “ haa waan ogahay” kadib ayay gabadhii baarida ahayd waxay tidhi “hadaba hantidan Alle ina siiyay aynu kaga faa’idaysano inaynu caawino bulshada deegaankeena ku nool si markaynu Fuqaro noqono sanad kadib ay iyaguna inoo caawiyaan ooy u gudaan abaalka aynu u galnay inaguna aynaan u tuugsan iyaga” ninkii wuxuu yidhi “waad asiibtay gabadhyahay”   kadib waxay bilaabeen inay dhisaan guri ka ag dhaw wado ay dadka musaafiriintii maraan waxaanay albaabka guriga u jeediyeen xaga wadada, waxaana tuuladooda ku yaalay todoba wado oo laga soo galo, iyaguna waxay sameeyeen todoba albaab oo laga soo galo guriga.

Waxaanay guriga ku samayn jireen cunto habeen iyo maalinba si dadka musaafiriinta ahi uga cunteeyeen, waxay sidaa ahaataba wakhtigu is guraba iyadoo Nabi Muusena CS uu dusha kala socdo xaalka qoyskan  ayaa waxa dhamaaday sanadkii Alle SW ugu tala galay inuu reerkani Tujaar ahaado.

Qoyskiina waxay ilaabeen sanadkii Alle ugu xadeeyay maadaama ay iyagu (Ninka iyo Gabadhu) ku mashquuleen cunta karinta iyo siinta dadka martida ah ee tuuladani yimaada waxaan soo galay sanadkii labaad iyaguna wali sidii ayay Tujaar u yihiin oo u caawiyaan dadka Socotada ah.

Nabi Muuse CS ayaa yaabay waaxnu la hadlay Alle waxaanu ku yidhi “Rabigayoow waxaad ugu talagasahay qoyskan inay sanad kaliya Tujaar ahaadaan imikana sandkii labaad ayay wali Tujaar yihiin waa maxay sababtu?” Allah SW ayaa ugu jawaabay “MUUSOW WAXAAN U FURAY ALBAAB KA MIDA ALBAABADA RISIQAYGA IYAGUNA WAXAY FUREEN TODOBA ALBAAB OO KU ARSAAQAAYAAN ADOOMAHAYGA MUUSOW WAAN KA XISHOODAY ANIGUNA INAAN DIB UGU CELIYO NOLOSHOODII ADKAYD”

Alle ayaa xuma oo dhan ka nasahan sadaqadu waa shay qaaliya oo laga dheefo faa’idooyin badan Aduunyada iyo Aakhiradaba, Sadaqadu maalka waxba kama nusqaamiso ee waabay baraykaasaaba.

waxaynu wada ognahay inay Abaaro adag ka jiraan gobolada bariga Somaliland iyo guud aahan meel ay soomalidu dagtaba waxa abaartaas adag u raacday  dhaxan iyo qabaw aad u daran oo banaano iyo banan cidlo ah qaarkood ku helay. Sidoo kale xoolihii oo intii ladnayd aan laba iibsanayninba taasina waa  dhibaato kale oo hor leh.

Walaalayaal aynu wax is tarno oo caawino keena dhibaataysan si dhamaanteenba Alle inoogu naxariisto oo Raxmadiisa iyo Naxariistiisa balaadhan inoogu shubo.

WABILAAHI TOWFIIQ

Waxa qoray Cabdishakuur Ismaaciil Aadan

Email:

Caraale0143@hotmail.com