Mucjisooyinka Wadnaha: 21 Habeen Marka Uu Ilmuhu Uurka Ku Jiro Ayaa Uu Shaqada Bilaabaa, Kuma Yaallo Dhinaca Bidixda Ee Laabta, Qosolkuna Waa Dawadiisa (1)

319
48981

Tehran (Geeska)- Wadnuhu waa xubinta ugu awoodda badan jidhka aadamaha, oo ah mishiinka ka shaqaysiiya qaybaha kala duwan oo dhan. Waxa uu shaqadiisa bilaabaa marka uu ilmuhu 21maalmood oo keliya ku jiro uurka hooyadii, waxa aanu shaqada wadaa illaa ilbidhiqsiga u dambeeya ee nolosha. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Almannaar, oo laga leeyahay dalka Iiraan. Waxa ay soo bandhigaysaa hawlaha kala duwan iyo qaab abuurka wadnaha bani’aadamka, oo inta badan aanay dadku ka warqabin.

  1. Xanuunka kansarka oo la ogyahay in uu ku dhaco dhammaan qaybaha kala duwan ee jidhka aadamaha, marmar dhif iyo mar la arag ah ayaa uu ku dhacaa wadnaha, sababtuna waa unugyada wadnaha oo iska ilaaliya in ay qaybsamaan. Qaybsanka ku dhaca unugyada ayaa ah sababta keenta kansarka.
  2. Qosolku waxa uu u fiican yahay caafimaadka wadnaha, waxa uu yareeyaa cadaadiska iyo culayska shaqadu ku keento, waxa aanu xoojiyaa habdhiska difaaca qofka.
  3. Wadnaha bani’aadamku ku yaallo halka aynu aaminsannahay in uu jidhkeenna kaga jiro oo ah bixida sare ee saableyda, waxa se uu ku yaallaa badhtamaha sare ee saableyda, waxa aanu si toos ah ugu hoos yaallaa lafta ku taalla halka ay isugu yimaaddaan lafaha feedhuhu oo ah xabbadka, lafta loo yaqaanno sakaarka ayaa uu wadnuhu ka hooseeyaa, haddii laga tegi waayana in aad u yar oo aan si fiican loo dareemi karin ayaa uu u xigaa dhinaca bidix.
  4. Xanuunnada wadnuhu waa kuwa ugu badan ee dunida maanta ka jira.
  5. Wadnuhu waxa uu le’eg yahay tontoomada gacanta (Gacanta marka sida feedhka loo duubo).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here