“Mucaarid Iyo Muxaafid-ba Halaga Wada Shaqeeyo Wixii Qaranka Dan U Ah”Xaaji Cabdi-waraabe

0
566

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe),ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, waxaanu ku taliyey in wax walba laga horeeysiiyo qaranimada oo danta qaranka loo midoobo, wixii khilaaf ah ee qaranka dhib ku ahna la iska daayo.

A-XAAJI-CABDI-WARAABE-NEW_1_bccf9

Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale fariin waano ah u diray madax-dhaqameedka Somaliland, waxaanu kula taliyey in wax qaranka wax u dhimaya aanay ku kicin, waxaanu yidhi “Waxaynu nahay Qaran, waxaynu nahay Dal, doonaya inuu Adduunka aqoonsi ka helo, wax inaga dhiman shuruudihii Wadana ma jiro, ee waxaan ku talin lahaa danta Qaranka aynu u midoowno, oo mucaarad iyo muxaafidba ha laga wada shaqeeyo wixii Qaranka u dan ah, oo aad ha looga feejignaado wax walba oo lidi ku ah kana hor imanaya Qaranka Somaliland, waxaynu wada nahay Somaliland, ee aad ha looga dheerado oo aad ha la iskaga ilaaliyo sida xun ee loo isticmaalayo Qabyaalada iyo Qabiilka”.

Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), ayaa mar uu fariin u diraayey Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa wuxuu yidhi “Madax-dhaqameedka la leeyahay waxay soo xulayaan Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Xamar, Madax-dhaqameed maaha, Somaliland ma matalaan, reerna ma mataalan, halkaas ayaa lagu sameeyey, madax-dhaqameedna dawladi ma sameeyso ee reer ayaa sameeya, soona calaamo saara, Somaliyana waxaan leeyahay idinka Somaliya ayaa la idin yidhaahda, anagana Somaliland ee xadkiina ku eekaada oo xad gudubka iska ilaaliya, Madax-dhaqameedka Somaliland waxaan leeyahay isku duubnada, oo midnimada iyo jiritaanka Somaliland ka shaqeeya, oo cadawga Somaliland dantiisa ha u horseedina”.

Dhanka kale Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), ayaa soo dhaweeyey nabada ay qaateen Beelaha Dharkeen-geenyo ku dagaalamaayey, isagoo u duceeyey,waxaanu ugu duceeyey in aanu dib dambe dagaal u dhexmarin.