Maxamed Cali Kalaay: Horyaalkii Feedhka Iyo Haldoorkii Muslimiinta USA Kamaal A. Cali…(Qaybta 3aad)

0
451

1Inantiiisa:

Dhinaca kalana gabadh kamidah carruurta uu ka tegey Maxamed Cali ayaa sheegtay daqiiqadihii u dambeeyey ee naftu ka baxaysay ay dul joogeen dhammaan xubnaha qoyskiisa, iyaga oo duco badanna u akhriyey. Hana Maxamed Cali oo barta ay ku leedahay bar-kulanka bulshada ee Twitter ka kaga hadlaysa xanuunka geeridan iyo haddana sida ay ugu qasbanaayeen in ay garwaaqsadaan geerida aabhood kaxaysay. Hadallada Hana waxaa ka mid ahaa, “Qalbiyada ayaana xanuunaya, laakiin haddana waa aanu faraxsannay oo waxa aanu u aragnaa in aabahayo uu hadda ka xoroobay xanuunkii dhibta badan ku hayey. Waxa aanu ku dadaalnayn in aanu calool adayg muujinno, oo aanu aabahayo niyadda ka sii deyno annaga oo dhegta u saarayna, “Hadda waa aad iska tegi kartaa aabo. Waa aanu calool adaygaynaa. Aad ayaa aanu kuu jecelnahay. Laakiin niyadda waa aanu kaa sii deynay, si ay ruuxdaadu dib ugu noqoto Ilaahay.

Dhammaantayo waa aanu hareero taagnayn oo aanu dhunkanaynay oo aanu laabta laabta u saaraynay, gacantiisa qabsanaynay oo aanu ducada Islaamka waqtigan oo kale jideeyey ugu celcelinaynay… aabo waa aad ku mahadsantahay jacaylkii iyo sidii aad noo soo garab istaagtay.

Milicsi taariikheed oo Kooban:

Maxamed Cali waxa uu xirfadda ciyaaraha feedhtanka magaciisu ka soo dhex muuqday sannadkii 1960kii markii isaga oo 18 sano jir ah uu biladda dahabka ah ka qaatay feedhtanka miisaanka fudud ee ka mid ahaa ciyaarihii Olambikada ee magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ku qabsoomay sannadkii 1960kii. Afar sano kadib oo uu 22 sano jir noqdayna waxa uu taashkii horyaalnimada feedha culus kala wareegay Sony Liston, oo markii ay dhammaysteen is dhiibay, kana hadhay wareegga toddobaad, maadaama oo uu arkayey in wareegyadii hore oo kii Lixaad ugu badnaa si aad ah uu uga gacan sarreeyey Cassius Marcellus Clay (Magacii hore ee Maamed Cali). Clay oo guushani ay caan ka dhigtay waxa uu dunida oo dhan kaga yaabiyey markii hal sano kadib guushan oo noqonaysa sannadkii 1965kii uu soo galay diinta Islaamka, magaciisiina u beddelay Maxamed Cali.

Ciyaar is-carin ahayd oo isla sannadkaas uu muslimay 1965kii dhex martay Maxamed Cali iyo ninkii uu hore uga soo qaaday suunka guusha Sony Liston. Ciyaartan oo wareeggii koowaadba markii uu bilowday uu Maxamed Cali ku guulaystay in uu dhulka wadho feedhyahanka ka soo horjeeday oo mar labaad tahli waayey in uu ciyaarta u soo kaco.

Maalintan laga bilaabana muddo 17 sano ah ayaa marka la xasuusto feedhtanka miisanka culus oo Maxamed Cali ahaa xiddigga keliya ee dunida oo dhan lagu xasuusto.

Naanaystii:

Maxamed Cali oo ahaa nin aad u hadalyaqaan ah, kaftan aqoon ah, bulshadana aad ugu furfuran waxa uu sidoo kale ahaa hal-abuur sameeya gabayada, gaar ahaan gabayada ka hadlaya taariikhdii foosha xumayd ee Maraykanka, oo ah xilligii addoonsiga dadka madowg. Bilowgii markii uu guulaystay waxa uu la baxay naanays ah, “The Greatest” Kii ugu weynaa, laakiin muddo kadib waa uu ka hadhay magacaas aad ayaa aanu uga murugooday in uu la baxo, sida uu fagaarayaal ka sheegayna Ilaahay ayaa uu magacan uga toobad keenay, maadaama oo uu Alle oo keliyi yahay cidda ugu awood badan adduun iyo aakhiraba.

Shantii jeer ee Maxamed Cali Kalaay laga badiyey:

Maxamed Cali sannadkii 1978kii markii uu markii saddexaad ku guulaystay horyaalnimada feedhka culus, saddex sano kadib waxa uu qaatay go’aankiisii ahaa in uu ciyaaraha ka fadhiisto isaga oo markaas 39 sano oo keliya jiray, muddadaas oo uu magac aad u weyn ku helay ciyaaraha feedhka culus, arrimaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah in 61 ciyaarood ee uu ciyaaray Shan jeer oo keliya laga badiyey, laakiin weligii barbar dhac ma’ uu noqon ee inta kale dhammaan waa uu badiyey sida aynu hore u soo xusnayna 37 ka mid ah feedhkii koowaad ayaa uu dhulka ugu tuuray feedhyahankii ay iska soo horjeedeen. Shanta jeer ee laga badiyey afar jeer waxaa ka badiyey feedhyahanno Maraykan ahaa, halka marna uu ka badiyey feedhyahan u dhashay dalka Kanada.

Marka koowaad ee laga badiyey waxa ay ahayd sannadkii 1971kii, waxaana ka badyey Joe Frazier oo ay muddo saaxiibbo ahaayeen isla markaana ahaa ninkii markii Maxamed Cali Kalaay ciyaaraha laga ganaaxay maadaama oo uu dagaalka Vietnam diiday, ol’olaha adag u galay in xukunkaas laga qaado.

Frazier waxa uu geeriyooday sannadkii 2011ka Maxamed Cali in kasta oo uu qudhiisu xilligaas aad u xanuunsanayey haddana waa uu ka soo qayb galay aaskiisa. Marka labaad ee Maxamed Cali la jebiyey waxa ay ahayd laba sano kadib oo noqonaysa 1973 waxaana ka awood badiyey Ken Norton oo ay ku naanayseen, “Kii afka jebiyey Kalaay” Norton waxa uu dhintay sannadkii 2013kii isaga oo 70 sano jir aaa. Marka saddexaad Maxamed Cali Kalaay waxaa sannadkii 1978kii ka adkaaday Leon Spinks oo isna ahaa feedhyahan dhowr jeer horyaalka feedhka culus qaaday oo u dhashay dalka Maraykanka, markii afaraad oo laba sano kadib ahaydna waxaa ka adkaaday Larry Homles oo ahaa feedhyahan u dhashay dalka Maraykanka oo sannadkii 1980kii dhulka dhigay Maxamed Cali. Maxamed Cali oo sida ka muuqata taariikhda shanta jeer ee abidkii laga adkaaday la garan karo in ay u badnaayeen sannadadaas dambe, oo macnaheedu yahay in aakhirkii uu guul darrooyin badan la kulmay waxaa uu ciyaaraha feedhka culus ka nasashadooda ku soo gunaanaday guul darro kale oo uu kala kulmay Trevor Berbick oo ahaa feedhyahan madow ah oo u dhashay dalka Kanada.

Trevor Berbick oo isagu dhashay 1954kii, maadaama oo uu Maxamed Cali Kalaay ka adkaaday ciyaartii ugu dambaysay ee uu kaga fadhiisanayey feedhtanka waxa uu caan ku noqday “Ninkii jebiyey Kalaay” ama ninkii ugu dambeeyey ee ka adkaada Kalaay.

Aakhirkii Trevor Berbick isaga oo dib ugu noqday dalkiisii Jumayka ayaa la dilay sannadkii 2006da kadib markii ay faashash la dhaceen laba nin oo ay isku deegaan ahaayeen oo muran dhinaca dhulka ahi u dhexeeyey.