Maskaxda Bani’aadamka Oo La Ogaaday In Ay Dhimashada Kaddib 5 Daqiiqo Sii Shaqayso

26
2586

Hargeysa (Geeska)- Sawirro aad u kakan oo baadhitaanno heerkoodu sarreeyo oo lagu ogaanayey waxa maskaxda aadamaha gudaheeda ka dhaca marka uu qofku dhinto kaddib, ayaa ay saynisyahannadu ku ogaadeen in marka uu qofku geeriyoodo kaddib ay ay maskaxda noloshu ku sii yara dambayso muddo 5 daqiiqo ah, taas oo ay sheegeen in ay marag u tahay suurtagalnimada in qofku dhimashada kaddib soo noolaado.

Hore ayaa ay diimaha samaawiga ah oo Islaamku ugu dambeeyey inoogu sheegeen in dhimashada kaddib uu Alle (SWT) soo noolaynayo aadamaha. Si qof kasta waxa uu adduunkii ku soo horumarsaday loogula xisaabtamo, kaddibna waxa uu abaal ka mutaysto oo cadaab ama janno ah la siiyo.

Laakiin warka ah in qofka oo dhintay soo noolaan karaa waxa ay saynisyahanno badan ku noqotay arrin fahamkeedu adagyahay, rag badan oo aan diinta Islaamka aaminsanayn ayaa ku dooday in cilmi ahaan aanay qiil u haynin in ruuxdii qofka ee baxday ay mar labaad ku soo noqoto.

Si kastaba ha ahaato ee saynisyahannadan hadda ayaa baadhitaanno ay ku sameeyeen shaqada maskaxdu qabato ilbidhiqsiyada naf baxa ku xiga, waxa ay ku xaqiiqsadeen in wadnaha oo shaqada joojiyey kaddib ay maskaxdu cabbaar sii noolaan karto, in kasta oo aanu taas macnaheedu ahayn in qofku uu markaas dib u soo noolaanayo, haddana waxa ay tani marag u noqotay sida aanay wax lala yaabo u ahayn in ay dhacdo qofku dhimashada kaddib in uu soo noolaan karo. Dhinaca kalana natiijadan ayaa ay khubaradu sheegeen in ay wax badan ka beddelayso fahamkii hore dhakhaatiirtu u qabeen ee ahaa in maskaxdu ay qofka mar la dhimato, sidaa awgeedna ay arrintani caawin karto daweynta mustaqbalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here