Mashruuca Biyo Balladhinta Hargeysa Sababaha Ragaadiyey Iyo Cilldaha Ka Taagan

2
2353

Eng, Maxamed Xassan Cismaan {Arnab}

Aniga oo tixraacay khudbadii madaxwaynaha ee xil wareejinta oo ku salaysnayd in dhamaan dawlada iyo shacaba loo diyaar garoobo sidii looga qayb qaadan lahaa horumarinta dalka.waxa aan jeclaystay in aan madaxwaynaha iyo shacbiba reer Hargaysa la wadaago warbixin aan kaga hadlaayo  biyo balaadhinta magaalada caasimada ee Hargaysa.

Mashruuca biyo balaadhinta hargaysa(HUWSUP) waa mashruuc ka kooban laba qeybood qaybta 1aad biyo soo saarka( water production) qaybta 2aad waa biyo galinta magaalada  ( rotocolon network system) qaybta 1aad biyo soo saarka waxay ka koobantahay A. beeb la yidhaa {D1}24” oo la soo dhigaayo geedeeble ilaa barkada biyaha hargaysa.B. 3 ceel oo laga qoday harohaadley iyo 6km oo {pipe}ka  {HDPE} la dhigo illa K13, D. {Pipe} la yidhaa {HDPE/D1) oo7 Km la soo dhigo doono Km13 illa Barkadda weli socta, E. Barkadda  dhismaheedu ka socdo Geedeeble.

Mashruucan waxaa masuul ka ah wakaalada biyaha iyo Haayada UN Habitat oo (partnership) ah oo macnaheedu yahay cid toos ah oo loogu hagaago lama garanay mar an u waramey gudidii Madaxweynihii hore u xilsaarey dad ka mid ah Bishii November 2016kii waxan ka fahmay in aan wax badanba lala socodsiin. Mashruucan waxa uu bilaabmay 2012kii waxana loogu talo galay in uu dhamaado Dec 2015kii ilaa haddana wuu socdaa Aragtideydana waxba kama dhaw waayo qayb keliya oo mashruucan ka mid ah si wanaagsan looma dhameyn.

Bishii December dhamaadkeedii 2015 ayan imtixaan u galey masuul la dooneyey in u hirgeliyo qeybta ugu muhiimsan mashruucan oo la yidhaa {Horahaadlay project} oo qandraas Hayaddu ku siiysey wakaaladda biyaha!!! ka dib bishii Janaury 2016 illa September 2016 ayaan ka hawlgely, mudadaa wiig kaste iyo bil kaste waxan Hayadda iyo wakaaladda u gudbin jirey {report} shaqadu halkay mareyso iyo waxa loo baahanyahay laakiin waxay ka dhabar adeygeen in ay keenaan qalab aan u dalbay mashruuca oo aan ku idhi soo iibiya , iyo farsamooyin badan oo shaqada muhiim u ah. Diidmada ay ka muujiyeen qalabka aan u dalbay mashruuca waxay igu kaliftey in aan ku wargeliyo Hayadda iyo wakaaldda. Bishi September 30 dii 2016 oo heshiiska shaqo ee an la geley  ku ekaa, in aanan la sii shaqeyn doonin, ka dib markii ay keeni wayeen qalabkii an dalbey waan iskaga tagey. Ciladihii oo dhan iyada oo waxba laga qaban ayaa sidii beebkii lagu aasay. Bishii November 1dii&2dii magalada Nairobi Ninka Hayadda haysta iyo wakaaladedda ayaa ka qaybgaley shir la yidha {Steering Committee Meeting} oo lagaga hadlo Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa isaga oo deeq bixiyayasha {EU&DFID}  u gubiyey in u Mashruucii dhamaadey.

Aniga oo kor kala socdey, waxan {report} u direy Deeq bixiyaasha  Bishi November 3dii iyada oo meeshaba aan lagu kala tagin, isla markiiba waxa lo soo direy wafdi ka socda deeqbixiyashaa oo hugaminayo nin Mr Mark la yidha oo wata{report}kii aan qorey, ka dib markii xaalkii ay arkeen mashruucii in aanu dhamaan ay yidhaahdeen wuu dhamadey sid ku cad reportkii ay u gudbiyeen deeqbixiyaasha. Waxa lagu amray Hayadda mashruucan fulineysa in Hawlahan Ijneerkani ka hadlay dib loo qabto, nin madaw oo dawlad yar ka soo jeeda ha iskaba ahaadee. Anigana jawaab celin ku saleysan {Report}kaygii ayaan ka helay Deeqbixiyaasha, waxan ahay nin muwaadin oo {Senior Engineer}ah arrintanna Dawladnimaan u waayey.

Sababaha ragaadiyey mashruucan iyo cildaha ka taagan

Hayadda iyo Wakaaddan oo  isku dhex milmay {Partnership}.

Dad aqoon u leh hawlahan mashruuca oo la xisaabtama Hayadda oon jirin.

Hawlaha farsamo oo sidii la rabey iyo qalabkii ku haboona in la geliyo, laga dulboodayo,si loo xagxagto kharashka ku baxya mashruuca.

Ciddii is difaac  been ku saleysan  ka keenta warbixintan, waxan ugu ballan qaadayaa in khaladaadka la sameyey oo  xaqiiqdiisa iyo  caddeymihiisa wata war baahinta ku soo bandhigi doono.

Madaxwaynaha Somaliland iyo shacaba arrimahaa aan kor ku soo xusay waa {National Issue} halaga hawl galo,koley xaqa uunba sareyn doono Beentuna wey iska dhamaan doontaa Insha Allah.

Alla mahad leh

 Eng, Mohamed Hassan Osman {Arnab

ohamed6@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here