Marwada Koowaad Ee Dal Yurub Ah Oo Ku Labbisata Dharka Hore Loo Soo Isticmaalay (Huudheedh)

28
3236

Labbiska ay xidhato marwada Raysalwasaaraha dalka Iceland ayaa maalmihii u dambeeyey ay warbaahinta reergalbeedku siyaabo kala duwan u hadal haysay labbiska ay xidhato marka ay tegeyso munaasabadaha gaarka ah. Marwo Eliza Reid ayaa mar ay ka qaybgelaysay xaflad loo qabtay qaybinta abaalmarinaha filimada, waxaa si kedis ah loo ogaaday meheradda ay dharka ka soo iibsato.

Elisa Reid oo sawirradii laga qaaday markii ay xafladdan joogtay ku faafisay boggeeda Facebook ayaa dadkii saaxiibbada kula ahaa bartani waxa ay weydiiyeen halka ay ka soo iibsatay dharka ay xidhnayd oo marka horeba la dareemay in aanay ahayn dhar qaaliya. Marwo Elisa waxa ay si kooban dadkii ugu sheegtay in ay ka soo iibsatay meherad ay leedahay hay’ad samafal oo hoostagtay hay’adda bisha cas. Meheradda ay marwadu sheegtay oo ku taalla badhtamaha magaalada caasimadda u ah dalka ee Rikyaafik. Meheraddani waxa ay iibisaa dharka la soo isticmaalay ee dadka lihi marka ay ka maarmaan ay sadaqadda u siiyaan hay’adda Laanqayrta Cas, si dhaqaalaha ka soo baxa ay hay’addu ugu isticmaasho hawlaha samofalka.

Marwo Elisa Reid oo 42 sano jir ah ayaa mar kale la arkay iyada oo xidhan labbis madow oo ay meheraddan ka soo iibsatay, mar ay ka qaybqaadanaysay munaasabad lagu xusayey mashruuca loogu magac daray, ‘Anigaba waa ay igu dhacday’ oo ah ol’ole lagaga soo horjeedo tacaddiyada dumarka ka dhanka ah. Waxaa sida oo kale munaasabaddan joogay dad dunida magac ku leh.

Marwo Elisa Reid oo asal ahaan u dhalatay dalka Kanada waxa ay u dhaxday madaxweynaha dalka yar ee Iceland, Guoni Johannesson  waxa aanay dhaleen afar carruur ah. madaxweynaha oo xilka qabtay bishii siddeedaad ee sannadkii 2016 ka ayaa isaga iyo afadiisuba ay sumcad aad u fiican iyo shacbiyad badan ku leeyihiin dalka. Waxa aanay ku mutaysteen marka maamulka ay dadku ku qanacsan yihiin laga yimaaddo, iyada oo aad loo la dhacdsan yahay qaabka ay lammaanahani bulshada u dhexgalaan una muujiyeen in ay qayb ka mid ah oo runa yihiin.

Dhinaca kalana hay’adda Laanqayrta Cas ee adduunka ayaa markii warka marwada koowaad ee dharka la soo xidhay iibsataa soo baxay waxa ay soo saartay war ay ku sheegayso sida ay hay’addu ugu faraxsantahay badheedhaha marwada koowaad iyo in ay dhar ka iibsato meheraddan si lacagta lagaga iibiyo loogu bixiyo hawlaha samofalka. Barta twitterka ay ku leedahay hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka Iceland ayaa lagu faafiyey, hadal kooban oo arrintan la xidhiidha, kaas oo ahaa, “Waa aad ku qurux badan tahay dharka quruxda badan ee aad Laanqayrta Cas ka iibsatay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here