Maraykanka Iyo Ruushka Oo Mar Kale Iskugu Hanjabaya Xaalada Ukraine

0
607

Picture5Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa weydiistay aqalka sare ee baarlamaanka Ruushka inay ansixiyaan ciidamo loo diro dalka Ukraine.

Codsigan ayaa ka dambeeyay kadib markii Raiisul Wasaaraha cusub ee Crimea, Sergey Aksyonov, uu weydiistay taageero sida hadalka uu u dhigay si dib loogu soo celiyo degenaanshaha gobolkaasi.

Xasillooni darrida ka taagan Ukraine iyo eedaha Ruushka loogu soo jeedinayo in ay fara galineyso ayaa dhaliyey xiisad diblomaasiyadeed.

Wasiirka arrimaha dibadda Sweden wuxuu sheegay in ay iska caddahay in ay jirto fara galin militeri oo Ruushku ugu tala gashay in ay xukuumad u adeegta ay ka dhisto gobolka Crimea.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda UK, William Hague ayaa Axadda maanta tagaya Kiev oo uu wada hadalo kula yeelanayo xukuumadda KMG ah ee Ukraine.

Shalay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay Ruushka inuu xushmeeyo madax banaanida Ukraine, wuxuuna uga digay in ay wax weyn ugu kici doonto Ruushka haddii ay Ukraine ku sameyso fara galin militeri.

Raiisul Wasaaraha Ukraine ayaa waxa uu sheegay in dalkiisu uu xoog kaga jawaabeyn wax uu ugu yeedhay daan daansiga Ruushka, wuxuuna ugu baaqay in ay dawladda Moscow joojiso dhaqdhaqaaqa militeri ee ay ka waddo gobolka.