Maraykanka Iyo Ruushka Oo Ka Wada Hadlaya Xaaladda Ukraine

0
569

Picture3Wasiirrada arrimaha dibedda ee Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka wada hadlaya arrinta Ukraine saacada kaddib markii Obama uu ugu baaqay Ruushka inay ka baxaan Ukraine.

John Kerry iyo Sargey Lavrov ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xiisadda u dhexaysa labada dal ee billaabatay kaddib markii uu Ruushku ciidammo geeyay gobolka Crimea ee Ukraine.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay Ruushka inuu ciidammadiisa kala baxo gobolka Crimea ee dalka Ukraine.

Obama ayaa hindisay in la dhiso guddi komeerayaal ah oo hubiyo inaan lagu xadgudbin dadka ku hadla afka Ruushka ee dalkaas Ukraine. Ruushkla ayaa haatan si buuxda gacanta ugu haya gobolka Crimea.

Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay "fal gardarro ah", balse madaxweynaha Ruushka ayaa arrintaas ku gacanseydhay.

Iyadoo xiisad ay u dhexaysa Ruushka iyo reer galbeedka, ayaa Moscow waxay sheegtay inay tijaabisay gantaal u kala gooshi kara qaaradaha. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in lagu guulaystay tijaabada gantaalkan.

Ruushka ayaa ka digay in ciidankooda ay u gudbi doonaan gobollada kale ee ku yaalla bariga Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa isaguna ku hanjabay in dalkiisu siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan u go'doomin doono Ruushka. Madaxweynaha Ruushka Viladamir Putin ayaa ku gacanseydhay arrintaas.

Waxaa uu sheegay in cunaqabatayn kasta oo lagu soo roga Ruushku ay saamayn ku yeelan doonto dhinacyada oo dhan.

Ruushka ayaa ciidan u diray gobolka Crimea ee Ukraine kaddib markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Viktor Yanukovych.