“Madaxweynuhu Inuu Joojiyo Dhulkii Raasiga Waan Soo Dhaweeynayaa, Waana Ku Taageersanahay”

45
4928

Xildhibaan Kijaandhe

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Somaliland Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa sheegay in Somaliland xaq u leedahay inay xadkeeda gaadho, waxaanu tilmaamay inay Somaliya iyo Puntlanba ay Somaliland faragelin ku hayeen ilaa Doorashadii.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Somaliland Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey Raasiga Dekadda Berbera ee uu Madaxweynuhu joojiyey, waxaanu khalad ku tilmaamay in Maamulka Hawada Somaliland lagu wareejiyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi “Somaliya iyo Puntland fara-farayntoodii khaati baa laga jooga, intii Doorashadu socotayna khaati baa laga joogay, markaas waa in xadka la gaadhaa, taas cidna amaahin mayno”.

Xildhibaan Kijaadhe mar uu ka hadlaayey Raasiga ayaa yidhi “Madaxweynuhu inuu joojiyo Raasiga waan soo dhaweeynayaa, waana ku taageersan nahay”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Maamulka Hawada Somaliland ayaa yidhi “In Maamulka Hawadeena Somaliya lagu wareejiyo aad baanu uga xunahay, raalina kama nihin, mana yeelayno in Hawadeena laga xukumo Somaliya, waa inaynu wada maamulna Hawada, haddii ay diidaana inaga ayey inagu xidhan tahay talaabada aynu kaga jawaabayno”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Madaxweynuhu wax ka qabashada Sicir bararka Guddi ayuu u saaray, ee bal waxaynu eegi doonaa siday Guddidaasi wax uga qabato, haddii ALLE idmo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here