Madaxweyne Xilli Uu Khudbad Jeedinayey Gaajooday Oo Khudbaddii Hakiyey Si Uu Wax U Cuno

44
4760

Caracas (Geeska)- Madaxweynaha dalka Venezuela ayaa si lama filaan ah shaashadaha talefishannada looga daawaday isaga oo hortaagan dad uu u khudbadaynayey oo inta uu khudbadda hakiyo cunto cunaya.

Madaxweyne Nicolas Maduro waxa uu cuniyey cunto waddani ah oo dalkaas looga yaqaanno Imbaanda. Waxa aanay ka kooban tahay daqiiq lagu dhex xashay hilib la ridqay.

Madaxweyne Necolas Maduro ayaa inta uu khudbadda joojiyey waxa uu ku foorarsaday khaanadda miiska uu dul taagnaa, waxa aanu kala soo baxay xabbad cuntadan fudud ee Imbanda ah. Inta uu dhawr jeer rudhay ayaanu dib ugu noqday khudbaddiisii oo uu halkii ka sii waday.

Dhacdadan oo ahayd khamiistii dorraad ee 3da Noofambar ayaa si toos ah looga daawaday taefishannada dalka Venezuela oo ay muwaadiniintu si toos ah uga socdeen talefishannada.

In kasta oo ay warbaahinta reer galbeedku tallaabadan aad u naqdiday kuna tilmaamtay mid fool xumo ah marka la eego xaaladda dhaqaale xumada iyo faqriga ah ee dalkaas ka jirtay muddooyinkii u dambeeyey, haddana dad badan ayaa iyagu dhinaca kale ka istaagay oo tallaabadan u arkay mid uu madaxweyne Maduro ku dhiirrigelinayey cuntada waddaniga ah cunisteeda.

Madaxweyne Maduro oo 54 jir ah ayaa talada dalka Venezuale qabtay sannadkii 2013 ka, kadib markii uu geeriyooday madaxweynihii hal-adayga caanka ku ahaa ee Hugo Chavez.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here