Madaxweyne-xigeenka Oo Sheegay Inay Wasiiradu Anisixin Doonaan Siyaasadda Maamul Daadejinta

0
653

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa daboolka ka qaaday in siyaasada maamul daadajinta degmooyinka dalku ay hor taalo golaha wasiirada maalmaha soo socdana la ansaxin doono.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenku uu sheegay in degmooyinka Boorama,Berbera iyo Burco haatan ay wasaarada waxbarashada kala wareegayaan gacan ku haynta dugsiyada hoose, waxaanu ugu baaqay deeq bixiyayaasha taageera degmooyinka dalka inay kordhiyaan taageeradooda, dawladuna ay si rasmi ah u dhaqan galin doonto maamul daadajin dalka.

Waxa uu sidan ka sheegay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, mar uu ka hadlaayay mashruuca JPG-ga ee taageera degmooyinka waaweyn ee dalka, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlayaa uu hadalkiisa ku bilaabay “Siyaasada maamul daadajinta hada waxay hortaalaa golaha wasiirada, waxaanan rajaynaynaa in la ansaxin doono todobaadada soo socda, ansixinta kadibna waxa aynu haysanaa siyaasad maamul daadajin ah oo la ansixiyay,golahii deegaanka oo la doortay iyo gudi wasiiro ah oo loo xilsaaray fulinta siyaasadaas, tani waxay ka dhigi doontaa marshuuca in si haboon loo fulin doono siyaasadii maamul daadajinta Somaliland.

 

Saylici oo hadalkiisa sii wataa wax auu yidhi“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee maamul daadajinta lagu tijaabiyay,waxa ka mid ah in wasaarada waxbarashadu ay sadex degmo ee Boorama,Berbera iyo Burco ay kala saxeexdeen sidii loo daadajin lahaa qayb ka mid ah waxbarashada oo ah dugsiyada hoose,heshiiskaas oo noqday  bilawga maamul daadajinta, waxaana mahadeeda iska leh wasaarada waxbartashada  iyo degmooyinka howshan bilaabay, waxaanan rajaynayaa inay wasaarado kale ay bilaabi doonaan hawshan maamul daadajinta.”

Ugu danbayntiina waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday madaxweyne ku xigeenku sidan“Fulinta siyaasadani waa inay xaqiijisaa sinaanta degmooyinka oo ay dawladaha hoosena buuxiyaan baahiyaha gaarka ah ee reer miyiga,caruurta,haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay. Lana helo hufnaan iyo la xisaabtan dhab ah, fulin dhab ah waxaynu ku wada gaadhi karnaa in ay qaybaha kala duwan ay si firfircoon uga qayb qaataan hawshan maamul daadajinta.ka guddoomiye ahaan waxaan mar labaad ku celinayaa in dawlada Somaliland ay ka go’an tahay inay horumariso dawladaha hoose kana dhaqan galiso siyaasada maamul daadajinta qaranka, si la mid ah waxaan ka codsanayaa deeq bixiyayaasha inay kordhiyaan maalgalinta si adeeg wanaagsan oo baahsan uu u gaadho dhamaan bulshada reer Somaliland.”