“Madaxweyne Siilaanyo Wuu Soo Laabtay, Isaga Ayaanan Go’aan Ka Sugayaa”

0
615

Badhasaabka Awdal ee uu Saylici shaqada ka joojiyay

Hargeysa (Geeska)-Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine),oo Madaxweyne ku xigeenku hore uga joojiyay waajibaadkiisa qaran,markii uu Madaxweynuhu dalka ka maqnaa,ayaa ka hadlay soo laabashada uu Madaxweynuhu dalka ku soo laabtay,waxaanu tilmaamay inuu go’aan ka sugayo Madaxweynaha.

Badhasaabka Gobolka Assam Mustafe Cabdi Ciise  (Mustafe Shiine),oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa yidhi “Badhasaabku waa Wakiilka Madaxweynaha ee Gobolka,anigu masuuliyada,waajibaadka iyo xilka I saaran si daacadnimo ku dheehan tahay ayaan u gudanaayey,oo Goboladi hore ee aan Badhasaabka ka soo noqday iyo Gobolkan Awdal,ee aan Badhasaabka ka ahay intaba waxaan bulshada ugu shaqeeynayey

sinaan,cadaalad,wanaag,daacadnimo iyo hagrasho la’aan,mar haddii waajibaadkii Qaran ee I saarnaa la iga sii joojiyey,oo Madaxweynihii Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo),dalka dib ugu soo laabtay isaga ayaan go’aan ka sugayaa insha allaah’.