Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Wakiilkii Raysalwasaaraha Australia Ee Wanqashii Qaranimada Juba

0
741

 

siilaanyoJubba: (Geeska)- Guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee baarlamanka dalka Australia  Mr. Michael Danby oo Raysalwasaaraha Australia u metelayay xafladii qaranimda Koonfurta Sudan, ayaa maalintii sabtida madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ugu yimid kulan isbarasho oo ay sara joogga isku waydaarsadeen kelmada isbarasho iyo duur xul siyaasadeed isugu jira.

Mr. Michael Danby waxa uu madaxweynaha ku soo booqday qolka nasashada ee madaarka magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Sudan, xilli uu madaxweyne Siilaanyo u soo duulayey dhinaca magaalada Hargeysa kadib markii uu soo dhamaystay socdaalkii uu jimcihii toddobaadkii dhowaa kaga qayb galay xafladda loogu wanqalayey dawladda cusub ee Koonfurta Sudan.

Mr. Danby waxaa wehelinayey safiirka dalka Australia u jooga dalka Kenya oo isla markaana dalkiisa uga wakiil ahaa arrimaha Koonfurta Sudan ka hor intii aanay madax bannaanida qaadan.

Xildhibaan Danby waxa uu dalka Koonfurta Sudan u yimdi ka qayb galka damaashaadka dhalashada Koonfurta Sudan, waxa aanu ku socday magaca raysalwasaaraha dalka Australia Mr. Julia Gillard oo xildhibaankan u soo wakiishay ka qaybgalka xafladda.

Wargeyska Geeska Afrika oo ka mid ahaa warbaahintii madaxweynaha u raacday dalka Koonfurta Sudan ayaa nasiib u yeeshay in uu ka  xaadiro kulankan madaxweynaha iyo wakiilka raysalwasaaraha dalka Australia oo daqiiqado kooban sara joogga ay ku wada qaateen.

Mr. Danby isbarashada kadib waxa uu madaxweynaha u sheegay in uu dalka K/Sudan u yimid ka qayb galka xafladdan isaga oo ka wakiil ah dalkiisa, gaar ahaan raysalwasaaraha, waxa kale oo uu u sheegay in dalka Australia ay deggen tahay jaaliyad tiro badan u dhalatay dalka Koonfurta Sudan, sababta uu dalkiisu xafladdan u danaynayaana ay taas tahay. Madaxweyne Siilaanyo ayaa si kaftan ah ugu sheegay xildhibaanka in sidoo kale jaaliyad tiro badan oo u dhalatay dalka Somaliland ay deggen tahay dalka Australia.

Mr. Danby ayaa si duur xul ah madaxweyne Siilaanyo ugu soo tuuray erey uu ugu sheegayo in aanu jirin kala duwanaanshiyo badan oo dhinaca diinta iyo jinsiyadda ah oo ku dhex jira dadka reer Somaliland iyo kuwa Somalia, waxa kale oo uu si dadban uga dalbaday in ay suurtogal tahay in Somaliland ay ka shaqayso sidii ay isugu soo dhoweyn lahayd kooxaha ku hirdamaya Somalia, arrintaas ayaa isaga oo madaxweyne Siilaanyo si adag uga jawaabay, waxa uu u sheegay in qalalaasaha ka jira koonfurta Soomaaliya  uu yahay mid daakhili ah oo xallinteeda laga rabo dadkeeda, balse ay Somaliland tahay qaran madax bannaan oo isagu sidiisa u xallistay dhibaatooyinkiisa, xilligana ah qaran diyaar u ah inuu adduun weynaha ka helo aqoonsi buuxa.

Wargeyska Geeska Afrikaoo Mr. Danby weydiiyey bal siyaadda uu dalkiisu ka qabo arrinta Somaliland ayaa ka gaabsaday, balse waxa uu sheegay in arrimaha guud ahaan Soomaalida ay si gaar ah indhaha ugu hayaan, waxa aanu ka garaabay in Somaliland ay wax badan qabsatay. Geebska Afrika waxa kale oo uu su’aal tan la mid ah weydiiyey safiirkii wehelinayey xildhibaanka , waxa aanu sheegay in uu dhowaan tagi doono  magaalada Muqdisho ee dalka Somalia, halkaas oo uu wax badan xog ogaal uga soo noqon doono marka uu gudaha tago.

Mr. Michael Danby waa siyaasi caan ka ah dalkiisa, waana xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo guddoomiye u ah guddi hoosaadka arrimaha dibadda ee aqalka baarlamanka, isla markaana waxa uu xisbiga Labor Party ee dalka Australia u hayaa jagada xoghaya amniga, waana guddoomiye ku xigeenka guddida saaxiibtinimo ee baarlamanka Australia iyo Maraykanka.