“Madaxweyne Muuse; Waxaan Qabaa Inuu Khaladaad Badan Oo Dalka Laga Galay Uu Sixi Doono”

21
2258

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay hakadka ku yimid Saldhiga Milatari ee Imaraadka, waxaanu xusay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku ayidsan yahay hakinta saldhiga Imaraadka, madaama uu sheegay inuu yahay Milatari, iyo nin Ciidan soo maray, oo arimaha Saldhiga Milatariga uu garan karo waxa Somaliland uga iman kara.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Maamulka Hawada Somaliland ee Somaliya, lagu wareejiyey, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Maamulka Hawada  “Sharciyada Hawada iyo maamulkeedu waa sharciyad ka baxsan tan dalka taala, sharci caalamiya ayaa jira, haddii la soo saaray in Hawada Xamar Laga maamulo, laakiin inagu maamulo Hawo oo qudha maynu raadinayn, waxaynu raadinaynaa waa wax ka duwan waxa Xamar yaala iyo maamulo Hawo, inagu aqoonsigeenii ayeynu raadinaynaa, ee arintan maamulka Hawada ee la leeyahay Xamar ha laga maamulo, waa arin la iskugu soo gabanayo, oo la doonayo midnimadii, ee mar haddii aynu kala go’ dooranay, anigu waxaan jeclaan lahaa inaynu ka fogaano wixii maamulkana Somaliya inagu soo dhexgalaya”.

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlaayey Saldhiga Milatari ee Imaraadka ee la hakiyey ayaa yidhi “Madaxweynuhu isaga ayaa milatari ah, waxyaabo badan oo uu uga aqoon badan yahay Xukuumaddii hore ee xukunka haysay oo uu kaga khibrad badan yahay ayaa jira, markaas waxyaabaha qaarkood in laga feejignaado waa loo baahan yahay, waxaanu Madaxweynuhu ka fiirsanayaa in intay Khaliijku iska soo galaan, oo ay rabashado iska sameeyaan, oo dalalka aynu jaarka nahay, ee aan ahayn Islaamka ama dalalka iyaga Mucaaradka Ku ah,waxyeelo loo geysto, waana ku ayidsan nahay Madaxweynaha, arimaha Milatariga ee Caalamiga ah, inuu isagu ka sadaaliyo, oo aad iyo aad u dhex qaado,waayo Madaxweyne Muuse Biixi, Madaxweyne kasta oo Shicib ah uu uga aqoon badan yahay arimaha Milatariga, Saldhiga Imaraadkuna, wuxuu wato iyo faa’iidooyinkiisa midnaba la inooma soo gudbin”

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlaayey Wasaaraddaha iyo Wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixi ayaa yidhi “In Wasiiradda la soo koobo aad bay u wanaagsan tahay, waayo Dawlad Wasiiro badani khilaafkeeda ayaa bata, laakiin marka la magacaabo Wasiiro kooban rayiga waa la isla keeni karaa, oo wax walba wada tashi ayaa laga yeelan karaa, laakiin Madaxweynaha haddii afartan Wasiir oo midba rayi gooniya wataa ay soo hor fadhiistaan uu ku asqoobayaa, Madaxweynuhuna waa nin aqoonyahan ah oo ciidan soo maray, markaas waxyaabo badan oo uu kaga duwan yahay Madaxweynayaashii hore wey imanayaan kolay, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi waxaan qabaa  inuu khaladaad badan oo dalka laga galay uu sixi doono, waayo ninka ciidanka soo maray hamigiisu waxa weeye sidii uu dadkiisa iyo dalkiisa u badbaadin lahaa, markaas Madaxweynaha rayigiisa ah inuu soo koobo Wasaaraddaha iyo Wasiiraddana waan ku waafaqsan nahay, waxaana odhan lahaa Agaasimayaashana dad aqoon leh, ha ka dhigo, Agaasimaha guud kama dhaco ninka Wasiirka ah, Agaasimuhuna isaga ayaa hawlaha oo dhan fulinaya, markaas Madaxweynuhu Agaasimayaasha guud ha ka fiirsado, oo Rag aqoon leh, ha ka dhigo”.

Dhinaca kale Suldaanka guud ee Somaliland wuxuu ka hadlay sicir bararka, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu aanay masuul ka ahayn Sicir bararka, isagoo Ganacstada kala duwan ee dalka ugu baaqay inay dadka maceeshada u jabiyaan, una naxariistaan, waxaanu rajo wanaagsan ka muujiyey in sicir bararka wax laga qaban doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here