Madaxweyne Biixi Oo Mar Kale Maanta Kulan Labaad Ugu Yeedhay Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Faysal Cali Waraabe

53
4010

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale maanta kulan isugu yeedhay labadii murashax madaxweyne ee uu doorashada kaga guulaystay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Faysal Cali Waraabe.

Ma jiro wax war ah oo laga hayo ujeedada kulankan, iyadoo ay laba maalmood ka soo wareegeen kulankoodii Axadii. Laakiin waxa la sheegay in kulankani gaar u yahay saddexda hoggaamiye siyaasadeed iyadoo ay kulankii hore ku weheliyeen siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda Somaliland.
Warku wuxuu sheegay in laga yaabo in Madaxweyne Biixi uu Faysal iyo Cirro si gaar ah uga waramo xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka iyo weliba inuu weydiisto talooyin. Waxa kale oo la filayaa in Madaxweyne Biixi uu masuuliyiintan ka dalbado inay kala shaqeeyaan sidii meesha looga saari lahaa xanaftii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ee shacabka Somaliland loo midayn lahaa.
Madaxweyne Biixi ayaa talada Somaliland la wareegay 13 December, waxaanu xilka qaranka hayaa 56 maalmood taas oo uu macnaheedu yahay inaanay weli u buuxsamin laba bilood, waxaana weli muuqda raadadkii ay ka tagtay doorashadii uu ku guulaystay oo shacabku aad ugu kala qaybsameen, kala qaybsanaantaas oo la aaminsanyahay inay sabab u ahayd ololihii murashixiinta qaarkood ay kalsoonida shacabka ku raadsanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here