Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Dhismaha Hoteelka Madaarka Ee Uu Joojiyay, Dadka La Xidh-Xidhay, Warbaahinta Iyo Khayriyada Hargeysa

0
1424

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL  Muuse Biixi Cabdi ayaa jeediyay shalay khudbad uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin hoteelka madaarka laga dhisayay ee uu joojiyay, dareenka uu shacabku ka qabo dad badan oo ay xukuumadu xabsiga u taxaabtay iyo saxaafadda.

Madaxweyne Muuse oo hadal ka jeediyay Kulliyadda Tababarka Macalimiinta Qaranka Somaliland oo shalay xadhiga laga jaray, waxaanu ugu horayn isagoo ka hadlaya nolosha shacabka uu yidhi “Ilaa aynu maskaxdeena badalno oo aynu isla garano ka madaxda ahina waa tuug oo waa la eryanayaa oo qabtaay ayuunbaa la leeyahay oo wax buu la cararayaa, ka dhulka joogana cidi wax soo gaadhsiin mayso, raga intiisa badanina way qayilayaan oo wax war ah ma hayaan, islaamuuna caruurta ayuunbay la rafanayaan sawirka aynu nolasha ku noolnahay waa kaas, cida badali kartaa waa wasaarada waxbarashada iyo aqoonta.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata oo ka hadlaya hoteelka Madaarka laga dhisayay ee uu hakiyay iyo dhismaha khayriyada ee ay dawladii hore kiraysay oo uu laalay, wuxuu yidhi “Haddii aan la ogolayn in qaladkii la saxo oo qaladkii la qabtaba la leeyahay waxbaa looga jeedaa qaranku socon maayo, Tusaale yar baan idin siinayaa khayriyada waa wada taqaanaan sow xudunta magaalada maaha, samafal ayaa lagu dhisay 1932 , nin muwaadin ah ayaa la siiyay muddo kiro ah  oo dawlada hoose ee Hargeysa ayaa kiraysay  lix bilood ka hor ayaan u soo jeediyay dalku inuu u baahan yahay waxyaabo qaran oo xasuus ah, caasimadu waxay u baahan tahay Muusiyem laysugu yimaado oo taariikhada Somaliland lagu ilaalinaayo, waxay nala noqotay inay khayriyadu tahay meesha ugu haboon ee taariikhada Soomaalida la dhigo in la dumiyo oo qaranku isugu tago inaynu Muusiyem fiican ka dhigno, lix bilood ayaanu muwaadinkaas murmaynay waa lay jeedaa, waliba markaan ta gaagaaban idiinku sheego adeer baan u ahay hadduu odhan lahaa cidbaa xagaas iga xigta,maxkamad ayay dawlada isla galeen, waxa uu yidhi madaxweynaha ayaa I dulmaaya oo maayarka ayaa I dulmaaya waa lay jeedaa ee halayga qabto, bal maxkamada sii daaya, caqliyada caynkaas ah sidee la odhanayaa waa lagu garab joogaa oo gar ayaa lagu siinayaa.”

Isagoo madaxweyne Biixi ka hadlaaya hoteelka madaarka oo uu madaxweyne Siilaanyo bixiyay balse uu joojiyay wuxuu yidhi  “Tusaale kale madaarka hudheelka ku yaala waanu isku haysanaa ninkii lahaa oo  ii abti ah dayrbaa lagu xidhay oo dad ayaa laga raray waxa la yidhi dayrkaas waxii ku xidhan waa madaarkii hudheel ka dhex socdaan aragnay oo waxaanu nidhi kadaa, ileen haddii mid loo furo waa la wada furiye  ergadii ugu kululayd suldaan, siyaasi wasiirka waanu isku dilnay( wasiirka waxbarashada ) isaga oo dabada laga wado, ceeb maaha qalad ayaa dhacay waynu saxaynaa , waa run xaajigana lacag badan ayaa kaga baxday waa laga wada hadlayaa, khaladkii dawladaa gashay oo iyada ayaa bixisay iyada ayaana la soo noqotay, aadamuhu waa uu qaldamaa haddii intii taarka aynu galno waynu ku jabaynaa ka daaya, may waa loo jeedaa maxaa loo bixin waayay kuwii Indiyaanka laga dhisay ee fooqaqa ahaa hadaan reer loo jeedin,miyaynaan Alle ka yaabayn sidee wax loo wadaa waxaan uga gol leeyahay talaabadii la qaadaba haddii inanka kastamka jooga la yidhaahdo waa la badalay ma nidhaahno lacag ayuu cunay iyo waa uu qaldamay ee xilku waa meerto ayaa la yidhaahdaa waayo haddii kale dab ayaa iga raacaya umad dhan ayaanu is dilaynaa maxaa loo sheeganayaa waa ina hebele. waxaynu u baahanahay inaan caqligaas badalno”

Madaxweyne Muuse ayaa warbaahinta iyo bahda suugaanka oo mudooyinkii danbe aanay isku fiicnayan u diray fariin aad u dheer, waxaana la isweydiinayaa in farriinta madaxweynaha ee warbaahintu tahay digniin iyo hanjabaad iyo inay tahay dardaaran, waxaanu yidhi  “Warbaahinta iyo waxbarashadu waa ay isku lamaan yihiin oo labaduba dadkay wax baraan fule xantii ma mooganee aniga waxa laygu xantaa qufulkii waa la soo dhaafay,waar waa digtaytar oo  ninkii juuq yidhaahdaba afkuu jabinayaa  in la hadla lama ogola,xoriyatul qawlkiibaa la cabudhinayaa waa xan weyn oo taala waan ogolahay, waxaan ogolahay in anigu markaan gafo gafkayga lay  tilmaamo  laakiin markaad waxaan jirin umadda tidhaahdo, waxaan warbaahinta ka codsanayaa khaladaadkana sheega runtana sheega dadkana waxa u wanaaga ah iyo danta sheega  oo u badiya,qof waliba waa uu danbaabi karaa oo aadame ayaan nahay haddii qof la qabto warbaahin ha ahaado, madax ha ahaado,ciidan ha ahaado qofku waa uu gafi karaa oo dawlad ayaan u samaysanay qofkii qaldan in la qabto ma jirto cid ka reeban danbiga,madaxweyne ayaa dalka u weyn oo haduu qaldamo xil ka qaadis ayaa u taala,laakiin waxa xaaraan ah qofku danbi aanu galin in lagu qabto  oo lagu cadibo booliskana kama ogoli ,laakiin ciidanku haddii uu yidhaahdo waa la hubinayaa maxkmad ayaa taala oo taasina in laga cadhoodo maaha ma jiro qof aan danbiga ku dhici karin iyo qof aan la saxi larin qof waliba waa inuu ogolaadaa inuu xaq iyo cadaalad helo, laakiin waxaad maqlaysaa waxa la xidhayaa weriye hebel imisa qof ayaa dalka maalintii la xidhaa  wariyahu waa macsuum oo danbi ma gali karo miyaa,  waxaad wariye tahay inta aanad qof kale xaqiisa ku dulminin, inta aanad qof kale ku gafin laakiin hadaad qof kale ku gafto yaa kuu ogolaaday inaad waxaad doonto tidhaahdo adigu diintee, sharcigee, warbaahinta waxaan leeyahay qayb weyn ayaad leedihiin, suugaan yahanka waxaan leeyahay qayb weyn ayaad leedihiin ee xaga wanaasgan u wada,col idinlama nihin,kaftanka iyo is maaga iyo ilaaqdana waan aqaanaa yaynaan kala baqan waynu ilaaqtamaynaa hadaad gabaydaan waan idiin gabyaynaa hadaad heestaan waan idiin heesaynaa laakiin idiinma ogolin xoriyad aad ninka aad doontaan ku maagtaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here