Habkee Ayay Iraan Uga Gudbi Kartaa Cunaqabataynta Dhaqaale Ee Saaran?

0
1779

Lacagta Bitcoin-ka ah ee dhijital-ka ah -iyo lacagyawga la midka ah ba- waxay dhaliyeen buuq badan ka dib markii ay sameysay sare u kac aan macquul ahayn mudo sanad ah, iyadoo halka Bitcoin-ku uu gaadhay $20 kun oo doolar. Waxaa lagu tiriyaa lacagta Bitcoin-ka mid aad u gad-gadis badan, iyadoo sicirkeeduna uu hoos ugu dhacay ku dhawaad $4 kun oo doolar, balse wargeyska New York Times wuxuu sheegay in lacagtan dhijitalka ahi ay dalka Iraan ka caawin karto inay ka gudubto cunaqabataynta dhaqaale ee ay saaartay dawlada Maraykanku, iyadoo furi karta dagaal dhaqaale oo hor leh oo u dhexeeya Washington & Tehran.

Waxa uu tibaaxay New York Times inay Iraan la kacaa kufayso xayiraadaha dhaqaale ee saaran, iyadoo laga joojiyay sharikaadaha shisheeyey inay la tacaamulaan hab ganacsi sharikadaha dalka Iraan. Balse adeegsiga lacagta Bitcoin oo ay adagtahay in daba gal lagu sameeyo waxay Iraaniyiinta u sahlaysaa inay bixiyaan lacagaha ka xayiran bixintooda, iyagoo ganacsi ahaan u sahlaysa la tacaamulka caalamka kale.

(Waxaa qaaday Sawirka; Arash Khamooshi, The New York Times)

Wakhtigii hore, xayiraadaha dhaqaale ee maraykanku waxay ahayeen qaar saamayn taban ku yeelan kara dhaqaalaha Iraan, balse adeegsida lacagtan Bitcoin-ku waxay ka dhigtaas arinkaas hal bacaad lagu lisay. Wakhti ay maraykanku caga juglayn iyo hanjabaad la hor taagan tahay sharikadaha baaxada wayn leh, waxa ay sharikaadka dhexe iyo kuwa yar yari si xawli ah u adeegsan karaan lacagtan iyagoo gudbinaya lacag ayna yarayn baaxadeedu, iyagoo aad uga fog indhaha maraykanka.

Waxayna isku dayaysaa wasaarada maaliyada maraykanku, iyadoo garwaaqsan halista ay leedahay lacagtani, inay u hogaansanto lacagtan xayiraadaha lagu soo rogay Iraan. Labadii todobaad ee lasoo dhafayna waxay wasaarada maliyada maraykanku kusoo rogtay xayiraad laba masuul oo iraaniyiin ahaa oo la sheegay inay adeegsadeen Bitcoin-ka.

Waxanu sheegay Wargaysku in loo digay suuqyada dhijitaalka ah (Digital Markets), oo  iibiya ama iibsada lacagaha loo yaqaano Crypto Currency, iyadoo loo sheegay inay joojiyaan la macaamilka sharikadaha laga leeyahay Iraan.

Waxa hubaal ah inay adagtahay in dabagal lagu sameeyo sideedaba lacagaha dhijitalka ah, maareyntooda iyo dabagalkooduna uu yahay uun mid ku meel gaadh ah oon laga gaadhi Karin xal waara wakhtigan hadda la joogo, taasina ay u sahlayso inay Iraan baal marto xayiraadahan lagu soo rogay, xayiraadaas oo wakhtiyadii hore culays ku haysay dhaqaalaha Iraan.

Waxay kale oo uu ka dhawaajiyay wargeyska New York Times inay dawlada Iran ogaatay wakhti danbe ka baxsashada xayiraadahan dhaqaale ee saaran iyadoo adeegsanaysa Bitcoin-ka, waxayna dawalada Iran hadda ku talo jirtaa adeegsiga habkan si ay u fududeyso is dhaafsiga dhaqaale ee ay iran kor ugu qaadayso dhaqaalaheeda, sida uu shegay Abdull Hassan Fairuzabadi oo ah masuul sare oo Irani ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu bangiga dhexee ee Iraan hadda darsayo sidi uu usoo saari lahaa lacag dhijital ah oo magaceeda la yidhaahdo “Crypto Rial”, iyadoo ku dayanaysa talaabadii ay qaaday Venezuela oo horey usoo saartay lacag la mid ah oo Iyana magaceeda la yidhaahdo “petro”.

Talaabadan ay sameynayso Iraan ayaa ah mid aad u yar marka loo eego jamhuuriyada joorjiya oo horey uga tirsaanan jirtay midawgii sufeyti, taasi oo si baaxad leh looga isticmaalo ka ganacsiga lacagaha dhijitalka ah (Cryptocurrency).

Waxayna bilaabeen sharikado badan oo waaweyni inay adeegsadaan lacagta Bitcoin-ka ah si ay ugu bixiyaan lacagaha, iyagoo baal maraya xayiradaha dhaqaale. Sharikado badan oo Yurubiyaan ah iyo qaar kale oo Aasiyaan ah ayaa garab taagan Iraan, wakhti ay xukuumadahoodu diidanyihiin go’aanka madaxweyne Trump oo ahaa inuu ka baxay heshiishkii nukliyeerka ee ay Iraan la seexatay maraykanka iyo dawlado kale oo yurub ah.

Masuul sare oo Iraani ahi waxa uu sheegay “inayna jirin dariiq kale oo aan ahayn adeegsiga lacagta Bitcoin-ka, iyadoo ay adagtahay in daba gal lagu sameeyo lacagtan, ayna suuro gal ahayn in xayiraad lagu soo rogo lacagtan, taalaabona ayna ka qaadi karin maraykanka iyo dawladaha kale.

Balse waxa ay sheegtay New York Times inayna arintani sax ahayn, iyadoo wasaarada maaliyada ee maraykanku ay xayiraad saartay dhawr boors/jeeb oo Bitcoin ah(Bitcoin wallet) oo laga leyahay dalka Iran, inkastoo xayiraadani ay tahay mid aad u yar oon saamayn wayn ku yeelaynaynin isu geynta guud, balse wasaarada maliyadu ay awood u leedahay inay xayiraad saarto adeegan laftigiisa, waxana lama huraan ah inaad ogaatid samaynta ama abuurida jeeb ama boorso Bitcoin ah inayna kaa qaadaynin wax ka yar 5 daqiiqadood (Jeebka Bitcoin-ka waa meesha lacagta aad ku diri kartid ama laguugu soo diri karo).

Suaalahaa iswaydiinta mudani waxay yihiin; mudo intee leeg ayay dawlada Iraan kusii jiraysaa adegsiga lacagtan Bitcoin-ta?, Iyadoo shaki badan laga qabo saamaynta dhaqaale ee ay yeelan karto lacagtani. Waxa sidoo kale meesha taala, hababka ay dawlada maraykanku ula tacaali doono baal marida Iraan xayiraadahan dhaqaale ee lagu soo rogay. Jawaabahani waxay inoo cadaan doonaan ayaamaha soo socda iyadoo dadka ka faalooda dhaqaaluhuna ay si gaar ah isha ugu hayaan dagaalka dhaqaale ee u dhexeeya dawlada maraykanka iyo dawlada Iraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here