Madaxweyne Biixi Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Casuumay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Iyo Dareenada Ku Xeeran Martiqaadkaas Golaha

0
525

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadhimo-sharafeed u samayn doona xildhibaanada golaha wakiilada, Sabtida haddii Alle idmo.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay fadhigii golaha wakiilada oo saxaafadda banaanka looga saaray, wuxuu xildhibaanada u sheegay in Madaxweyne Biixi uu Sabtida hadhimo u sameeyay xildhibaanada. Guddoomiyuhu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qadadan iyo  inay jirto ujeedo siyaasadeed oo ka dambaysa qadada uu madaxweynuhu ku casuumay xildhibaanada.

Laakiin xildhibaanada ayaa aaminsan in Madaxweyne Biixi uu kala hadli doono arrimo siyaasadeed oo laga yaabo inay ugu horayso muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo golaha wakiilada markii shannaad maadaama oo ay doorashadii dib u dhacday.

Waxa suurtogal ah in Madaxweynuhu xildhibaanada ka codsado inay la qaataan in muddo kooban oo bilo ah loo kordhiyo golaha si aanay doorashada wakiiladu u dhaafin sannadka 2019.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.