Madaxweynaha Puntland Oo Madaxweyne Farmaajo Ka Codsaday In Maamul Loo Sameeyo Gobalada Sool Iyo Sanaag

0
1187

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka codsaday in maamul u gaar ah loo sameeyo gobalada Sool iyo Sanaag ee Somaliland.

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo dadweyne kula hadlayay dalka Maraykanka, ayaa sheegay in dalabkaas uu Mr. Gaas ula tagay Farmaajo uu kala kumay jawaab aanu filayn. Cali Khaliif oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi “Xamar ayuu tagay Cabdiweli, madaxweynaha Farmaajo iyo raysalwasaaraha ayuu u tagay , wuxuu yidhi waxaan shirinayaa dadka Sool iyo Sanaag iyo Cayn, maamul cusub ayay dhisanayaan waxaan rabaa maamulkaas in loo ictiraafo. Madaxweynaha iyo raysalwasaaruhu may wada joogin markaas laakiin midba gooni ayuu ugu yidhi hadalkan. Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu gooni gooni ayay ugu yidhaahdeen waar Cabdiweli markii noogu kaa dambaysay distoor Puntland ah ayaad wadatay ood lahayd Sool iyo Sanaag iyo Cayn Puntland ayay ka tirsanyihiin oo ma ogolaanayo inay ka go’aan miyaad is bedeshay. Xoogaa ayuu hoso eegay, waxay yidhaahdeen hadday dhab kaa tahay baarlamaankaaga iyo xukuumadaada intaad kula noqoto ha yidhaahdeen hadaanu Puntland nahay waa naga fasax Sool iyo Sanaag iyo Cayn, warkii walaan Garoowe loo keenin oo Xamar lagalama iman.”
Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Muqdisho u jooga ka qayb galka shir uu madaxweyne Farmaajo u qabtay maamul goboleedyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here