Madaxweynaha Faransiiska Oo Ardayda Dal Uu Marti U Ahaa Ay Weydiisteen Koronto Ayaa Si Jeesjees Ah Ugu Sheegay In Taasi Ay Tahay Shaqada Hoggaamiyahooda

55
3259

 

Wagadugu (Geeska)- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo booqasho rasmi ah ku joogay dalka Burkina Faso ee galbeedka qaaradda Afrika ayaa madaxweynaha uu martida u ahaa ka hor yidhi ereyo aad uga cadhaysiiyey oo sababay in uu ka baxo madasha ay wada joogeen.

Madaxweyne Macron oo intii uu joogay dalkan heshiisyada uu la saxeexday dhiggiisa Burkina Faso uu ka mid ahaa mashruuca koronto ka dhalinta qorraxda, ayaa maalintii shalay ee 28kii Noofamar hadal ka jeediyey jaamacadda Wagadugu ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Wagadugu.

Madaxweyne Macron markii uu dhammeeyey khudbadda uu u jeediyey arday 800 gaadhaysa, waxa uu fursad u siiyey in ay su’aalo weydiiyaan, markaas ayaana ay bilaabatay dhibaatadii sababtay in madaxweynihii uu martida u ahaa ee Burkina Faso cadho kaga baxo goobtii kulanku ka socday.

Mid ka mid ah ardayda ayaa madaxweyne Macron ka codsaday in uu ka caawiyo sidii ay u heli lahaayeen koronto, laakiin madaxweynaha Faransiiska ayaa si lama filaan ah ugu jawaabay in aanay taasi shaqadiisa ahayn ee ay tahay shaqada madaxweynahooda, hadalladiisana waxaa ka mid ahaa, “Ma doonayo in aan daneeyo dhibaatada dhinaca korontada ah ee ka jirta jaamacadda, arrintaasi waa waajibkii ay ahayd in uu madaxweyniinu guto …”

Madaxweyne Macron oo ay ka muuqatay in uu iska ilaalinayo in loo arko in uu wax ka qabanayo ama isaga shaqadiisa ay tahay wax ka qabashada koronto xumada ay dadka dalkani dhibaatada badan ku qabaan, isaga oo hadalkiisan u dhigay qaab kaftan ah, laakiin taabanaya runta oo ah in uu ardayda u tilmaamo in hoggaamiye shisheeye aanay ka baryin waxa ay tahay in uu hoggaamiyahoodu u qabto ee uu ka gaabiyey.

Madaxweynaha 60 jirka ah ee Burkin Faso mudane Roch Marc Christian Kabore oo hadallada duurxulka ah ee dhiggiisa 39 jirka ah Faransiiska aad uga cadhooday ayaa si degdeg ah uga baxay goobtii.

Waxaa se’ xiise leh in madaxweyne Macron aanu wax garowshiyo ah ka muujin cadhada hoggamiyaha uu martida u ahaa, balse uu sii waday jeesjeeskii, isaga oo farta ku fiiqay mid ka mid ah dhibaatooyinka ka dhashay koronto la’aanta goobta oo ahaa in aanay qaboojiyeyaasha jaamacaddu shaqaynayn, inta uu cod dheer kaga daba qayliyey madaxweynaha sii baxaya ayaa uu yidhi, “… Wuu baxayaa … joog dee …” kadib inta uu ardaydii ku soo jeestay, isaga oo weliba ku sii adkaysanaya ereyadii ku digashada ahaa ayaa uu intaas ku sii daray, “ … Waxa uu u baxay si uu u soo hagaajiyo nidaamka qaboojiyaha (AC)”

Madaxweyne Macron oo la hadlayey arday kale oo isna u sheegay cabasho la xidhiidha dhibaatooyinka xaaladda jaamacadda ayaa sii waday hadalkii ka cadhaysiiyey madaxweyne Kabore, waxa aanu sheegay in aan la joogin xilligii Faransiisku gumaysaneyey dalka ee laga rabay in uu wax u qabto dadka, waxa aana ereyadiisa ka mid ahaa, “Waxa aad ila hadlaysaan sida in aan ahay madaxweynaha Burkina Faso, iyo sida oo uu Faransiisku weli yahay quwad gumayste”

Hadalladaas iyo cadhadaas uu kaga jawaabay madaxweynaha duday ayaa sababay in ardaydii oo malaha dareensan in ereyada Macron maqashiiyey madaxweyne Kabore ay yihiin kuwo ku habboonaa ay si ku digasho ah qosol, Foodhi iyo sacab diirran ku qaabilaan hadallada Macron.

Kulankan oo muddo 2 saacadood ah socday, ayaa madaxweynaha Faransiisku ka sheegay in aan la dafiri karin dembiyadii uu gumaystihii reer Yurub ka geystay Afrika, waxa se’ uu ku dooday in uu isagu yahay dhalinyaradii dambe ee aan soo gaadhin waqtigaas, ‘Afrika oo la gumaystana aanu soo joogin’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here