“Madaxweynaha Doorashada Ku Guulaystay Kaligii Ismuu Mahadin, Ee Si Wanaagsan Buu….”

31
2910

Wasiir Cadami


Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay Doorashadii Madaxtooyada, iyo wixii laga bartay, waxaanu tilmaamay in Beesha Caalamku ka mabsuudeen qaabka ay Doorashadu u dhacday, waxaanu sheegay inay muhiim tahay in waxyaabaha ka dhiman Doorashooyinka Somaliland in lagu daro.
Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu u arko in mar dambe lagu soo daro Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu ugu horeyn yidhi “Weynu istaahilnaa in la qiro waxaynu qabsanay, wax qarsoona maaha sidaynu wax u qabsanay, Beesha Caalamkuna aad iyo aad bay uga mabsuudeen qaabka aynu Doorashada u qabsanay, tartankii xalaasha ahaa iyo sidii wanaagsanayd ee loo tartamay iyo sidii ay Doorashadu ku dhacday, Doorashadu markii ay dhammaatayna sidii la arki jiray, bay Masuuliyiintii tartankaas ku jiray ay yeeleen, kuwii aqbalayna wey amaanan yihiin, Madaxweynaha Doorashada ku guulaystay kaligii ismuu mahadin, ee si wanaagsan buu khudbadaha aduunka u maqashiiyey, warbaahinta dibada uu la hadlay, warbaahinta guddahana uu la hadlay, Madaxweynaha iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirrana waa kuwii kulmay, jalaafooyinkii iyo wixii dhacayna waa laga maydhay oo waa laga falaxashay, Shacabka reer Somaliland wey amaanan yihiin, Komishankii hawshaas Doorashada qabtayna wey amaanan yihiin”.
Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo wixii laga bartay ayaa yidhi “Waxa haboon in cashar aynu ka barano wax walba oo ina soo mara, tusaale ahaan maxaynu ka baranay Doorashadii shalay, Doorashada barito maxa laga baran doonaa, waa inaynu dariskii hoose ka baxno, oo dariska sare gaadhno, oo aan la odhan hebel, baa u haneeyey hebel, oo la yidhaahda hebel baa helay, oo si xaqa ayuu ku helay, oo walaalkiisa kale ee markaas sigay, ama ku soo dhawaaday, ama cidii tiro yareeysay ee si wanaagsan u haneenaysay amaan bay markaas mudan yihiin, sharcigaas ayaa u baahan in wax yar laga bedelo, kolay Doorashooyinku aad inoogumay badnayn, laakiin intii sharciga ku qornayd weynu wada fulinay, Doorshadana wakhti dambe yaan la xaadirinin natiijada ee wakhtiga ugu haboon ha la sheego, Komishankana imtaxaan adag buu ka baxay, weyna ku amaanan yihiin”.
Wasiir Caddami oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wax walba oo la inaga hagraday, oo inaga baaqday, oo la inaga dhego adaygay, haddii ay inoo furmaan weynu baarigaynaa, oo nidaamka wanaagsan ee aynu sameeynay iyo sida wacan ee ay Doorashadu inoogu dhacday abaal gudkeedii weynu sugaynaa, haddii ay soo hore dhacdo waa al-xamdulilaah, haddii ay raagtana Caalamka waanu xasuusinaynaa”.
Wasiir Caddami mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko in lagu soo daro Xukuumadda Muuse iyo in kale ayaa ku jawaabay “Filasho, saadaal,ducaysi meelo laga ducaysto iyo shuquladaas oo dhan waa la joojiyey, dadka meesha jooga waa dad waaweyn, waa dad wada masuuliyiina, qofka wuxuu yahay in lagu sheego ayaa fiican, qofkii xil loo magacaabana waajibkiisu gudanayaa, oo amarka dawladda ayuu fulinayaa”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here