Macradka Sugan Motors Oo Gawaadhi Ku Wareejiyey Macaamiil Ka Soo Baxay Shuruud Lagu Xidhay

0
1225

Hargeysa (Geeska)-Macdarka iibiya, kireeya soona dajiya baabuurta ee Sugan Motors ayaa shan qof oo macaamiisha ah ku wareejiyey baabuur.

1

Masuuliyiinta macdarka Sugan Motors ayaa baabuurtan ku wareejiyey munaasibad balaadhan oo ay ku qabteen xarunta macdarkaasi oo ku taala degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay  Mulkiilaha Macdarka Sugan Motors Marwo Caasha Ibraahim Axmed, Maamulaha Guud ee Macdarka Cabdi Maxamed Mire, Xisaabiyaha Guud ee Macdarka Maxamed Cali Yuusuf, Xubnihii lagu wareejiyey Gaawadhida, Shaqaalaha,Waalid iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Maamulaha Guud ee Macdarka Cabdi Maxamed Mire   oo isagu ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray macdarkani iyo wakhtigii la aas aasay waxaanu yidhi “"Macdarka Sugan Motors waxa la aas aasay 15/5/2013 wakhti yarna wuu jiraa, hadana waxa uu ku talaabsaday horu mar balaadhan, waxaana xaqiiqo ah in macdarkani uu ka qayb qaatay horu marka dalka, la dagaalanka tahriibka iyo qabyaalada, waxaana dhab ah inuu qayb ka yahay is dhex galka bulshada.”

Maamulaha guud ee macdarka Sugan Motors ayaa sidoo kale Amaan u soo jeediyey mulkiilaha guud ee macdarkaasi marwo Caasha Ibraahin Axmed, waxaanu uga mahad celiyey sida uu macdarkaasi uga qayb galay horu marka dalka,  waxaanu u hambalyeeyey shanta qof ee ku guulaystay baabuurtan maadaama ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.”

Xisaabiyaha Guud ee Macdarka Sugan Motors  Maxamed Cali Yuusuf isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin mar walba raali gelinta macaamiisha, waxaanu tilmaamay in shantan qof ee lagu wareejinayo baabuurtu ay dhamaystireen shuruudihii loogu tala galay, si wanaagsana uga soo baxeen heshiiskii lala galay, waxaanu cadeeyey inay yihiin dufcadii labaad ee macdarku ugu tala galay inuu baabuurtan gudoonsiiyo.

Dhinaca kale Darawaladii lagu wareejiyey Gawaadhida oo kala ahaa Naasir Cali Cumar, Maxamed Ibraahim, Maxamed Cabdi Jaamac, Maxamed Kaysar iyo Cumar Ismaaciil oo iyana munaasibadaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay masuuliyiinta macdarka Sugan Motors gaar ahaana mulkiilaha macdarkaasi Marwo Caasha Ibraahin Axmed oo ay ku tilmaameen qof ay dhiiri gelin balaadhan ka heleen.