Maandeeq iyo Maan-qaboojiye! W.Q: Cabdillaahi Xassan Cismaan

0
1031

(Soomaaliya, Somaliland, Djibouti, Jigjiga, NFD)

Waa sheeko faneed ka tarjumaysa shantii gees ee soomaalida. Somaliland iyo Soomaaliya oo ku metelaya qoys lamaane kala irdhoobay ah.

Maandeeq (Somaliland) waxay ahayd Gabadh qurux u dhalatay akhlaaq iyo edebna Alle ku manaystay, waxay walaalo ahaayeen sadex hablood oo ay iyadu u waynayd.

Sadexda hablood (Djibouti, Jigjiga iyo NFD) ee ay maandeeq walaalaha ahaayeen oo sadexduba reero leeyihiin waqtigan ayaa mid waxa Guursaday nin Kenyaan ah waxaanay degan tahay Kenya, midna waxa Guursaday nin Xabashi Ethiopian ah oo Jigjiga ayaa ay degantahay, halka tii ugu yaraydna uu guursaday nin Faranciis ahi balse ay kala tageen oo imika nin Soomaali ahi ku qabo Dalka Djibouti.

Waxa isna jiray wiil Maan-qaboojiye la odhan jiray oo reer Muqdisho ahaa una muuqday waqtigaas wiil wanaagsan.

Hadaba, waxay hooyadeed iyo aabaheed marqudha Maandeeq la dooneen Maan qaboojiye oo ahaa wiil aanay Maandeeq is arag haba yaraatee sheeko iyo haasaawena wadaagin. Waalidka laftooduna  aanay aqoon fiican u lahayn, sidoo kale waxay aqoonta waalidka iyo Maanqaboojiye  kuba ekayd mudo 5 maalmood aan ka badnayn oo ahayd 26 june 1960 ilaa 1 jully 1960. 

Maandeeq arinkaasi aad buu ugu cuntami waayay balse iyadoo qadarinaysa waalidkeed ayay ka ogolaatay dalabka guurka wiilkan jug soo dhacayga ku noqday ee waalidkeed la jeclaadeen.

26 june 1960kii ayaa lays baray isla 1 luulyo 1960kiina waxa lays raaciyay meherkii iyo Arooskii Maandeeq iyo Maanqaboojiye oo ka dhacay Caasimaddi Umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

Waa Aqal si fudud lagu yagleelaye Mudo kooban markii lays qabay ayaa Khilaaf hor lihi  durba soo kala dhex galay reerkii, Maanqaboojiyena lasoo baxay dabeecadahiisii u qarsoonaa ee qallafsanaa kuna salaysnaa Gacan adayga iyo Garashada gaaban ee aanuu Xaaskiisa waxba haba yaraato habase badnaatee u ogolayn wax Masaariifta iyo biilka dhaafsiisan mooyaane.

Maan qaboojiye ixtiraamkii iyo maamuuskii xidid lahaa meel buu iska saaray. Sida oo kale wixii xidid ah ee ka taga Hargeysa ee Muqdisho ugu taga oo dhan wuxuu ula dhaqmi jiray si aad u naxariis daran bini’aadantinimadana ka baxsan.

20 February 1982 oo ku began maantoo kale, waxa uu Maanqaboojiye xabsi iyo dil xasuuq ahba u gaystay dhalinyaro mutadawaciin ah oo Maandeeq ay isku beel ahaayeen (Uffo).

Maandeeq damiirkeedu wuu siin waayay inay sii eegato tacadiga iyo dulmiga lagula kacaayo qaraabadeeda iyo ehelkeeda kasoo jeeda goboladii Woqooyi, waxaana ay bilawday guux iyo gunuus dumarnimo iyadoo u muujinaysa sida ay uga xuntahay hagardaamada uu odaygeedu sida badheedhka ah u gaysanayo.

Halkaa waxa ka bilaabmay khilaafkii ugu waynaa oo gaadhay qoys burbur iyo balanbal hor leh oo uu sabab u ahaa Maanqaboojiye oo markii dambe loo bixiyay Maan-Qaloociye, iyadoo markii dambana kasoo dudday timina Hargeysa iyo halkii reerkoodu deganaa.

Waa Guur sokeeye iyo caadadiiye, Wallow aanay sii kala fogayn Maan qaboojiye laftiisa, hadana Maandeeq waxay wayday cid ku raacda kuna taageerta fikirkeeda ah in warqadeedii looga qaado maadaama ay is fahmi waayeen, cagajuglayn iyo cadaadis joogto ahna kala kulantay Maan qaboojiye.

Dabcan marka laysku xumaado la wada joogi maayee Maandeeq waxay soo jeedisay fikir ah inaan wax Meher iyo Cadad bax toona lagu xidhayn Maan qaboojiye oo ay (khuluc tahay) ee uu warqadeedii uun miiska beesha caalamka u saaro.

18 may 1991 ayay warqad fasaq ah ugu dhawaaqeen culimadii Cuqaashii iyo Wax garadkii ehelkeeda ahaa ee Goboladii Woqooyi Magaalada Burco.

Intaa kadib odaygii Maan-Qaboojiye waxa ku bilaabmay isdhaaf iyo isla hadal isagoo aakhirkiina ku dambeeyay waalida dhaqanta ee maryaha uun dirqiga ku sidata.

Tolkii iyo ehelkiisu si kasta waa ay isugu dayeen inay dabiibaan balse wax u kordha ma uu jirin haba yaraatee wax ka sii dhaca mooyee.

Maandeeq mudo bayhoofa kadib kasoo kabatay, Waxay gaadhay horumar balaadhan oo xaga Waxbarashada, Caafimaadka Dhaqaalaha iyo qaybo kaleba.

Waxay ka guurtay lacagtii ka dhaxaysay iyada iyo odaygeedii maan qaboojiye, waxay samaysatay lacag u gaar ah, ciidan ilaaliya oo u gaara iyo sidoo kale calan u gaar ah.

Maandeeq waxay damacday inay nin kale iska guursato,  iyadoo horumar xag walba ah gaadhay ayaa ay hadana wayday nin kusoo dhaca oo guursada iyadoo nin kasta oo ay la haasawdaaba uu kaga walaacayo ninkeedii hore, maadaama u noolyahayna aanay cidi ku dhici Karin.

Waxay mudo dheer xod xodanaysay oo haasaawe dheerna u socday nin Ingiriis ah, oo horena u ogaa Guurkooda, waana kii ugu dhawaa inuu guursado.

Balse waxa nin waliba ku xidhaa dumashiyadeed (IGAD, AFRICAN UNION) inay warqadii fasaqa ahayd uga qaadaan  una aqoonsadaan inuu ninkaasi furay oo ay iyaga laftoodu laba haasaawaan oo aqoonsadaan sidaasna guurkeedu ku hagaago. Balse waxay daliishadaan inta badan in hadii Maandeeq warqadeeda loo dhameeyo in furriinku badanayo oo ay noqonayso dariiq furmay.Waxa sidoo kale isna Maandeeq la haasaaway oo ugu dhawaa nin Xabashi ah (Ethiopia) ninkaasina dantiisa inuu ku wato oo shukaansado mooyee, ma uu  jeclayn  inay maandeeq marnaba kasoo ag toosto oo uu cawda kula loolo guur loo mashxarad iyo dabaaldego.

Maandeeq 57 sanadood ayaa kasoo wareegtay waagii ay is guursadeen Maanqaboojiye  sidoo kalena 26 gu’ ayaa ka dambeeyay waagii warqada fasaqa ah loo qaaday, walina guur kumay salaaxin, niyad jab ay ka qaaday guurka ayay wax badan u qabsan kari wayday. Hadana Carmalka nabigaa (NNKH) u duceeyayoo intaa waa lala haasaawayaa balse calafkeedii uunbaan wali imaan.

Maanqaboojiye waxa ku dhacay Nabsigii uu ka galay gabadhii miskiinta ahayd ee sida il duufka ah loogu aroosay ee Maandeeq, sidaa si la mida ayaa marar badan oo ay is tidhi Maandeeq Odaygaaga kasoo ducaysoo waa cadceed casar joogtee  waxaa ka diiday odayadeedii oo yidhi “mar baanu khaldamnay oo aanu ku tuurnoo mar labaad ku tuuri mayno”

Maandeeq waxay tidhi “ mar waxaan idhaa carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw oo way is qabtaane intii cadawgu idinku wiirsan lahaa mayska heshiisaan, hadana waxan idhaa “waano dhalan baa ka adag. Maanqaloociye waa Maanqaloociye uun isma bedelayo”

Dabcan waa dad is qabay iyo caadadoode, mar Maanqaboojiye abaar baahsani ku dhacday Maandeeq way ka adkaysan wayday oo waxay u dirtay caawimo ah qadar lacageed.

Sidoo kale, sanadkii 2015 oo deegaanadii Maandeeq abaar baahsani ku dhacday Maanqaboojiye sidaa si lamida waxuu usoo dhiibay dhaqaale aad u badan oo caawimo ah, isagoo waliba sheegay inuu xaaskiisii doonayo diyaarna la yahay Biilkii iyo masruufkii reerkiisa, wixii khaladaad hore u dhacayna uu gadaal ka saxayo.

Odayo waawayn oo Guurti ah (Turkey) ayaa reerka kala irdhoobay gogol u fidiyay iyagoo si ay sulux u sameeyaan Maanqaboojiyena yidhi xaaskaagii baa laguu  soo celinayaa, Maandeeqna ugu sheegay in warqadeedii looga soo qaadayo. Walina ay socdaan wada hadalladii.

Haddaba waa su’aale bal arin qoys aynu ku xallinee sidee qoyskaa gartooda loo qaadi karaa?

W.Q: Cabdillaahi Xassan Cismaan

Facebook: Abdilahi Osman

Email: 0634409392a@gmail.com