Maamul Mise Hoggaamiye: Qeexdooda, Waxa Ay Ku Kala Duwan Yihiin Iyo Shaqada Mid Kasta U Taalla (Q. 1)

Published on Aug 11 2018 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska) – Waxaa hubaal ah in qof kastaa uu jecel yahay in uu maamule iyo maareeye fiican ka noqdo goobta uu ka shaqeeyo, waxa se aanay dad badani ogeyn in maamule ama maareeye fiican oo aad noqoto, aanu macnaheedu ahayn in aad hoggeemiye fiican ama awood leh noqon karto. Waayo farqi weyn ayaa u dhexeeya hoggaamiyaha iyo maamulaha. Waxa aana jira caqabado iyo curiyeyaal qofka ka hor istaagi kara in uu noqdo hoggaamiye guulaysta, oo ay ugu weyn tahay qofka oo marka hore ee uu hoggaamiyenimada doonanayo aan aqoon u lahayn kala duwanaanshiya hoggaamiyaha iyo maamulaha ama maareeyaha.

In qofku uu bilowga hore garanayo waxa ay ku kala duwan yihiin hoggaaminta iyo maamuliddu waxa ay si weyn uga caawinaysaa in uu fahmo kaalinta uu isagu ku leeyahay hay’adda, shirkadda ama goobta kale ee uu ka hawlgalo, waxa ay sida oo kale fursad u siinaysaa in uu is barto sida ugu fiican ee uu isugu dheellitiri karo tilmaamaha hoggaamiyaha iyo kuwa maareeyaha.

Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Sharqal Aawsat ayaa kala saaraysa maamulka iyo hoggaaminta, waxa aanay soo bandhigaynaa kala duwanaanshiyahooda iyo meelaha ay iskaga eegyihiin.

Hoggaamin iyo maamulid

Peter Ferdinand Drucker oo ahaa khabiir cilmiga maamulka ku xeeldheer iyo qoraa u dhashay dalka Maraykanka ayaa yidhi, “Awoodda hoggaamiyihu waxa ay ka timaaddaa kartida uu u leeyahay soo jiidashada dadka kale uu xaggiisa u soo jiidi karo, waxa awooddiisa fulineed u adeegsadaa in uu u adkaysto caqadaha ka yimaadda jaangoynaha, isla markaana uu jiheeyo hal-abuurka, isaga oo iska baalmaraya xeerarka iyo shuruucda, si uu ugu dadaalo dhiirrigelinta isbedelka, iyo in hay’adda ama shirkadda u kaxeeyo dhinaca san”

Qeexda Hoggaamiye

Qeexda keliya ee uu hoggaamiye yeelan karaa waa in uu yahay qof leh taageerayaal ama raciyad, uu awooddiisa u adeegsado sifo saxartiran, si uu dadkaas uu maamulayo ugu qanciyo in ay ku daba faylaan ujeedooyinkiisana u dhabeeyo.

Qeexda maamulaha / maareeyaha

Maamuleyaashu waxa ay isku hawlaan in ay shaqaalaha ku waajibiyaan halbeegyo iyo in la raaco siyaasado hore u sii dejisan, oo lagu doonayo in lagu gaadho laguna fuliyo ujeedooyinka sare ee loo dejiyey gaadhistooda. Inkasta oo uu maamuluhu leeyahay awoodo iyo fulin xooggan, haddana ka qaybqaadashada uu ka qaybqaadanayo shaqada hay’addda ama wax la maamulayaa waa keliya inta ku cad xeerarka iyo shuruucda dejisan.

Kala duwanaanshiyaha hoggaaminta iyo maamulka

In uu xoogga saaro ujeedooyinka iyo aragtiyaha ayaa laga rabaa hoggaamiyaha, halka maamulaha / maareeyaha, ay tahay in uu xoogga saaro hawlqabashada iyo socodsiinta waajibaadka yaalla.

Hoggaamiyaha iyo maamuluhu waxa ay ka siman yihiin in labadooduba ay u heellan yihiin rumaynta iyo gaadhista ujeedooyinka hay’adda ama xarunta ay maamulayaan, laakiin mid kastaa waxa uu u marayaa dariiq u gaar ah xilkiisa.

Hoggaamiyuhu waxa uu eegaa ujeedooyinka ay shirkadda ama hay’addu doonayso in ay gaadho, tas oo aynu odhan karno, sawirka uu eegayaa waa uu ka weyn yahay sawirka uu maamuluhu eegayo, waxa uu ka shaqaynayaa in uu gaadhista ujeedooyinkaas ku gaadho  aragti u gaar ah isaga iyo jid uu isagu hal-abuurkiisa iyo curintiisa leeyahay.

Laakiin maamuluhu in kasta oo isaguba si la mid ah hoggaamiyaha uu ka shaqaynayo in uu gaadho ujeedooyinka shirkadda ama hay’adda u dejisan iyo bartilmaameedkeeda, laakiin waxa ay u marayaan aragtida u dejisan hay’adda ama shirkadda, oo weliba laga rabo in ay si adag u ilaaliyaan iyo siyaasadda u gaarka ah. Jidka ay u marayaan fulintuna waxaa soo dejiya hoggaanka sare, sidaa awgeed iyaga waxaa laga rabaa keliya waa in ay fuliyaan, una filayaan hannaanka loo dejiyey.

In dadka lagu qanciyo fikirka / In la fuliyo siyaasadaha

Mar kasta hoggaamiyuhu waxa uu isku hawlaa hal-abuur iyo curin cusub in uu keeno, waxa uu mar kasta u hawlgalaa in uu dadka kale ku qanciyo fikiradihiisa mudan in muhiimad la siiyo. Awoodda hoggaamiyuhu waa shaqo ku dhiirrigelinta dadka uu maamulayo iyo in uu ku qanciyo fulinta fikradahaas isaga ka yimi.

Maamulaha isaga qasab kuma ah in uu dadka ku qanciyo fikrado iyo saxnaanta siyaasadaha dejisan, kaalintiisu waxa ay ku kooban tahay in uu fuliyo siyaasad hore u sii dejisan, shaqaalahana ku qasbo in ay fuliyaan. Haddii uu shaqaaluhu ka baydho jidka loo jeexay, ama ay ku doodaan in aanay ku qanacsanayn fikradda loo soo jeediyey, waxaa ka waajibaya cawaaqib iyo la xisaabtan, waayo kaalinta oqfka shaqaalaha ah laga rabaa waa in uu fuliyo waxa ay u sheegaan maamulayaashu isaga oo aan muran iyo dood diidmo u ekaan kart aka keenayn.  La soco…

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!