Lix Daqiiqadood Gudahood Ayaa Ay Ku Xadeen 5 Milyan Oo Doolarka Maraykanka Ah

51
4057

Brasilia (Geeska)- Koox tuug ah ayaa ku guulaystay in ay si aad u fudud u xadaan lagac dhan Shan milyan oo doolar oo naqad ahayd. Lacagtaas oo laga soo rarayey dalka Brazil, loona waday dalka Switzerland waxaa sidday diyaarad ay leedahay shirkadda Lufthansa ee dalka Jarmalka, waxa aana lacagta lagu xaday garoon xamuulka waaweyn laga raro oo ku yaalla meel u dhow magaalada Sao Paulo ee koonfurta bari ee dalka Brazil.

Booliiska Brazil ayaa xaqiijiyey in lix daqiiqadood gudahood oo ahaa maalintii Axadda ee toddobaadkan, ay tuug aan weli cid laga qabani ku guulaysteen in ay xadaan lacagtaas.

Sida faahfaahinta dhacadan lagu sheegay tuugta oo wata baabuur kuwa yaryar ee dushu bannaantay ah, dhinacana ay kaga soo dhejiyeen calaamadda lagu yaqaanno shirkadda masuulka ka ah ammaanka dhabbaha diyaaradaha ee garoonkan. Warmurtiyeed uu soo saaray booliiska Federaalka ee Baraasiil ayaa lagu sheegay in diyaaraddan Jarmalka ahi ay marka hore ka soo kacday garoon kale oo ku yaalla magaalada isla magaalada Sau Paulo, kaddibna soo fadhiistay garoonkan xatooyadu ka dhacday oo ah ka ugu weyn dalkaas ee laga raro shixnadaha diyaaraduhu qaadayaan.

Tuugtan oo tiradooda shan nin ahayd ayaa iyaga oo gaadhigan ku soo gabbaday waxa ay yimaaddeen goobta ay diyaaraddu taagnayd, waxa aanay ku guulaysteen in muddo lix daqiiqo ah gudaheed ay ilaaladii ammaanka haddidaan kuna qasbaan in aanay tallaabo qaadin, kaddibna lacagtan ku qaataan gaadhiga ay wateen. Waxa aanay madaarka kala baxeen iyaga oo aan wax dhibaato ah la gaadhsiin.

Lacagtan la xaday waxaa lahayd shirkadda xawilaadda lacagaha ee Brinks. Waxa aanu booliiska dalka Baraasiil wadaa baadhis aad u ballaadhan oo lagu raadinayo tuugtaas xarfaanta ah ee ku guulaystay in ay lix daqiiqo gudahood goobtan xasaasiga ah kala baxaan laxagta shanta milyan ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here