Laba Waalid Oo Muddo 10 Sano Ah Xabsi Guri Iyo Ciqaab Daran Ku Hayey 13 Carruur Ah Oo Ay Dhaleen

30
3595

Washington (Geeska)- Lammaane u dhashay dalka Maraykanka ayaa 13 carruur ah oo ay dhaleen muddo sannado ah ku xabbisay gurigooda oo ku yaalla magaalo yar oo ka mid ah gobalka California ee dalka Maraykanka. 13 ka carruur ah oo silsilado si arxan darro ah loogu xidhay, dushoodana dayac iyo diif badani ka muuqdo ayaa uu booliisku ka helay gurigan. Dhammaantood waa walaalo ay dhaleen lammaanaha xabbisay, da’doodu waxa ay u dhexeysaa 2 sano jir illaa 29 jir, wasakh badan ayaa ku taallay guudkooda, gaajo badan ayaana ka muuqatay. Booliiska oo carruurtan dhammaantoos soo daayey ayaa xabsiga u taxaabay labada waalid oo lagu soo oogay jidh dil iyo ubadkooda oo ay noloshooda khatar geliyeen.

Taliyaha booliiska ee magaalada Perris oo ku taalla koonfurta-bari ee Los Angeles, ayaa sheegay in inanta carruurtan ugu weyn oo 17 sano jir ahi ay ku guulaysatay in ay ka baxsato gurigan ay ku xidhnaayeen iyada iyo walaalaheed, kaddibna la xidhiidhay booliiska si ay uga warranto dhibaatada ay qabaan. Booliiska oo ku socda xogta ay bixisay inantan yar ee nafaqa darrada ba’ani ka muuqato ayaa tegey guriga David Turpin oo ah 57 jir iyo xaaskiisa Louise Ana oo 49 jir ah, oo ah lammaanaha dhalay inanta yar. Waxa ay booliisku gurigan ka heleen carruurta kale oo silsilado si fool xun loogu xidh-xidhay, dhammaantooda ay ka muuqato nadaafad darro, nafaqo darro iyo wasakh aad u badan.

Nafaqo darrada hagaasisay carruurtan awgeed, booliisku waxa ay bilowgii u qaateen in dhammaantood ay ka yar yihiin da’da qaangaadhka, laakiin markii dambe waxaa caddaatay in 7 ka mid ah ay yihiin qaangaadh da’doodu u dhexeyso 18 illaa 29 sano jir, inta soo hadhay oo ah lix carruur ah oo gabadhii ashkatada keentay ku jirtayna ay u dhexeeyaan 2 sano illaa 17 sano oo ah da’ weli ka yar inta sharciga Maraykanku qaangaadhka u aqoonsan yahay.

Booliiska ayaa labada waalid xabsiga u taxaabay, waxa aanay sheegeen in inta dacwaddoodu socoto ay xidhnaanayaan, haddii kale lagu damiinan karo oo keliya lacag dhan 9 milyan oo doolar midkii kastaba, ($18 milyan labada waalid isku darkooda).

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa sheegaya in ninka carruurtan xidhay uu maamule ka yahay dugsi gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada. Warbaahinta dalka Maraykanka oo sawirrada lammaanahan baahisay ayaa sida oo kale ku warrantay in carruurtan oo tiradoodu guud tahay 13 ay isugu jiraan 3 wiil 10 hablo ah, waxa aanu booliisku illaa hadda aaminsan yahay in dhammaantood ay yihiin walaalo ay dhaleen lammaanahan xabbisay ee imika iyagana xabsiga la dhigay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here