Kuliyada Miami College Oo Ambassador Ku Qabtay Munaasibada La Isku Arkay Oo Ku Saabsan 18 May

0
1356

18 May 2011 Pic

Hargeysa (Geeska)- Kuliyada Miami College ee  magaalada Hargeysa ayaa habeen hore dabaal dag balaadhan oo ku saabsan xuska 18 May ku qabatay magaalada Hargeysa.

Xuska 18 May ee ay soo qaban qaabisay kuliyada waxbarasahda kala duwan ee Miami College waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan, ardayda, maamulka iyo marti sharaf kale oo tira badan, waxaana lagu soo bandhigay taariikhda Somaliland iyo ta kuliyada.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay maamulka kuliyada oo ka sheekeeyey marxaladaha kala duwan ee uu soo maray iskuuloodu, waxaanu dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan shicib weynaha reer Somaliland ee  ku kala nool dacalada aduunka, isaga oo ilaahay uga beryey inay sanadkaas sanadkiisa ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.

Geesta kale waxaa isna halkaas ka hadlay xidhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan mudanayaasha aqalka wakiilada Somaliland, waxaanu  ugu horayn ka sheekeeyey qiimaha ay leedaay maalinta 18 May iyo miisaanka ay ugu fadhido shicibka reer Somaliland, intaas kadib wuxuu bogaadin u diray maamulka Iskuulka soo qaban qaabiyey munaasibada lagu xusay 18 May.

Ugu danbayntii waxaa isna halkaas heeso ku saabsan Somaliland ka qaaday fanaanka caanka ah ee Cumar Shooli oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku sugnaa gudaha dalka, dadweynaha ayaa la dhacay heesaha cusub ee uu Shooli u qaaday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.