Ku Dhowaanshiyaha Goobaha Hilibka Lagu Dubayaa Waxa Ay Kordhisaa U Nuglaanshiyaha Cudurka Kansarka

27
2637

London (Geeska) – Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Shiinaha ayaa sheegay in keliya in aad ka agdhowaato goobaha hilibka lagu duubaa ay kor u qaaddo khatarta qaadista cudurka kansarka. Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in daraasaddooda ay ka soo baxday natiijadan lama filaanka noqotay ay sheegayso in maaddooyinka ku lammaan uumiga iyo qiiqa ka soo baxaya cuntada dabka tooska ah lagu dubayaa, haddii ay maqaarka qofka gaadho ay leedahay khatar ah in ay sababto kansar si la mid ah cunista hilibka dabka tooska ah lagu dubo oo isagana laga qaado cudurkan.

Sahamin cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa iyaduna muujinaysa in qiyaas ah boqolkiiba 70 dadka Maraykanka ah eel eh moofooyin hilibka lagu dubo, in uu jidhkooda gaadhay Molikiyuullo keeni kara khatarta ah in uu ku dhaco cudurka kansarka noocyadiisa sambabada, maqaarka iyo kaadi haysta. Waxa ay cilmibaadhayaashu k utaliyeen in cid kasta oo hilib dubaysaa ay ku dadaasho in ay jidhkooda daboosho, sida ugu dhaqsaha badanna isaga beddelaan dharkaas uu gaadhay qiiqa hilibka ay dubayaan.

Waxa kale oo ay cilmibaadhayaashu sheegeen in cuntada, gaar ahaan hilibka oo lagu bisleeyo heerkul aad u sarreeyaa ay keento dhadhan fiican, oo laga yaabo in dad badani jecelyihiin, laakiin ay muhiim tahay in ay ogaadaan in caafimaadkooda uu khatar ku yahay.

Ugu dambayntiina, warbixintan oo aynu ka soo xigannay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriisku waxa uu mar kale ku celiyey khatarta uu qiiqani keeni karo haddii maqaarka uu gaadho. Isaga oo sheegay in dharku aanay inta badna lahayn awood ay jidhka kaga ilaaliyaan qiiqa ka soo baxaya hilibka la dubayo ama dabka cuntada lagu dubayo, sidaa awgeed ay muhiim aad ah tahay in sida ugu dhaqsaha badan uu qofku isaga beddelo dharka qiiqaasi gaadhay si maaddooyinka kansar ee ku lammaani aanay jidhka ugu gudbin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here