Kooxo Ruush Ah Oo La Sheegay Inay Ka Dambeeyeen Sababta Keentay Isku Dhaca Qatar Iyo dalalka Khaliijfka

0
530

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay waxaa ay ugu yeedhaay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay ugu baaqayso labada dhinacba inay wadaxaajood ku dhameeyaan khilaafkan.

Wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo wadanka Baxrayn ayaa xidhiidhkii diblomaasiyada u jaray dalka Qadar. Waxayna wadamadani ku eedeeyeen wadanka Qatar inay taageerto argagaxisada. Qadar ayaa haseyeeshee beenisay eedaymahaasi.

Dawlada Soomaaliya saddexda dawladood ee Imaaraadka, Sacuudiga iyo Qatar waxay la leedahay cilaaqaad dhinacyo badan leh. Waxayna sadaxdan wadanba dhaqaale xoogan ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya.

 

Sidoo kale dalka Djibouti ayaa sheegtay inay hoos u dhigtay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Qatar, waxaanay sida muuqata la safatay dalalka Khaliijka.

Geesta kale warar horleh oo laga helayo saraakiisha sirdoonka Maraykanka ee baadhaya weerarkii internetka ee lagu qaaday toddobaadkii hore warbaahinta Dowlada Qatar ee lagu shaaciyey warar been ah oo sheegaya in Amiirka Qatar uu khudbad uu jeediyey ku taageeray IRAN iyo ururada Xisbullah iyo Xamaas.

Warkan beenta ah ee lagu baahiyey Websiteka iyo Telefishinka Warbaahinta Qaranka ee Qatar ayey dowlada Qatar beenisay isla markaana ku tilmaamtay in kooxo (Hackers) ah weerar kusoo qaadeen warbaahintooda.

Balse dowlada Sacuudiga, Imaaraatiga, Masar iyo Baxreyn oo ay hore xurguf uga dhaxeysay Qatar ayaa durbaba qaaday tilaabooyin adag oo ay xidhiidhka ugu jareen Qatar, isla markaana xayiraad dhanka hawada, xaduuda iyo badda ah saaray dalkaasi Qatar oo noloshooda ku xidhantahay ganacsiga dalalka kale ee Khaliijka.

Xiisadan ayaa keentay inay sii kala fogaadaan xulafada Maraykanka uu kulahaa bariga dhexe iyo dalalka Carabta. Waxaa iyaguna ku biiray dalalka Xiriirka u gaabiyey Qatar wadanka Jordan (Urdun) iyo Murutania kuwaasi oo iyaguna la saftay Sacuudiga iyo Imaaraatiga.

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa dhankiisa sheegay inuu kasoo horjeedo xayiraada ay dalalka khaliijka saareen Qatar. Wuxuuna sheegay in uu garab taagan yahay Qatar isla markaana sii xoojin doonaan xidhiidhka ka dhaxeeya Turkey iyo Qatar. “…. Si fiican baan u aqaan Amiirka Qatar iyo madaxdooda maaha dad xidhiidh laleh argagaxisada, hadii ay taas runtahay anaa ugu horeyn lahaa dadka arrintan ka hadla….” ayuu yidhi Erdogan oo uu sheegay in wax xal ah aanu keeni doonin go’adoonka la geliyey Qatar.

Amiirka Kuwait oo wada dadaal uu ku dhex dhexaadinayo Qatar iyo Sacuudiga ayaa booqasho ku tagay Riyad ayaa dalkiisa dib ugu noqday. Balse weli ma muuqato wax isu soo dhawaansho ah ee Sacuudiga iyo Qatar oo weli mid waliba ku adkeysanaya go’aanadooda.

Dalalka Kuwait iyo Cumaan oo xubno ka ah ururka Khaliijka ee GCC ayaa ka cabsi qaba in xiisadan ay keento inuu gebi ahaan burburo urur gobaleedkaasi GCC.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaguna bartiisa Twitterka ku qoray hadalo lagu taageerayo Sacuudiga, isla markaana lagu cambaareenayo dalka Qatar oo uu sheegay inay farta kuwada fiiqeen dalalka jaarka la ah.

Hase yeeshee Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Gaashaandhiga Maraykanka ayaa iyagu qaba fikir taas ka duwan isla markaana sheegay in xidhiidhka Maraykanka iyo Qatar uu yahay mid aad u wanaagsan oo uuna ka dhaxeeyo iskaashi weyn ee dhinaca la dagaalanka argagaxisada ah.