Jahawareer Ka Taagan Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Doodda Mucaaradka Iyo Badheedhaha Xukuumadda

0
946

Hargeysa(Geeska)-Xiisad ayaa ka taagan doorashadii Axadii ka dhacday golaha wakiilada ee guddoomiyaha golahaas loogu doortay Md. Baashe Maxamed Faarax oo ay wada tartamayeen xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle. Shirguddoonka ayaa Axadii sheegay in xildhibaan Baashe helay 39 cod, halka uu Xildhibaan Talyanlena helay 38 cod.

Laakiin mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland ayaa ku kala qaybsamay khilaaf ka dhashay doorashada guddoomiyaha ee golahaas, ka dib markii uu xildhibaan Talyanle sheegay in la isweydaariyay tirintii codadka islamarkaana uu isagu helay 39 cod, sidaasna uu ku yahay guddoomiyaha golaha.

Dooda xildhibaanada Mucaaradka

Qaar ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah ee codkooda siiyay xildhibaan Talyanle ayaa aaminsan inuu codkoodu ahaa 39, laakiin la isweydaariyay codka labada xildhibaan.

Guddoomiyaha Guddida Dastuurka, Shuruucda iyo Garsoorka ee Golaha Wakiilada Xildhibaan  Siciid Cilmi Rooble oo arintan ka hadlaya wuxuu yidhi “Adduunyada wax walba way ka dhacaan shalay (doraad), waxbaa dhacay, waxa se dalkeena ilaa iyo 91-kii, ilaa iyo SNM-tii, ilaa iyo 82,ama SNM ha la noqdo, ama dawlad Somaliland aynu noqono, waxaan waligeed dhicin baa dhacay, waxaanu ahayn laba guruub, qolo waxay dhisaysay Talyanle, qolana waxay dhisaysay Baashe, labadooda oo laba Xildhibaan ah, oo reer Sool ah oo Ilmadeer ah, oo mid waliba xaq u leeyahay in la doorto, anaguna waxaanu isla garanay Gole ahaan arinkaas in reer Sool loo daayo oo maanta lagu milgeeyo Kursigaas reer Sool, xeer hoosaadka Golahaygu anagu tirin ma lihin, haddii aanu tirsan lahayn, waxaanu odhan lahayn anaga ayaa tirsanayna, laakiin waxaanu aaminay Shir guddoonkii markaas Golaha joogay, iyo raggii yar yaraa ee tirinaayey iyo Xoghayihii guud ayaanu markaas aaminay, Cali Yuusuf oo markaas Guddoomiye ahaa ayaa yidhi saddexdaas inamood ayaan dhaariyey, anjaguna waan dhaartay, dhaartii ILLAAHAY baanu aaminay anagu, waxaan maanta idin sheegayaa, ilayn god baynu galayna ee marka ILLAAHAY laga yaabo, kursigaas Talyanle ayaa helay, reer Somaliland-noow, markaynu ILLAAHAY ka yaabno, god baynu galayna, oo aniga laftaydu god baan galaya, oo Talyanle ii shafeeco qaadi maaye, Talyanle ayaa helay, reer Kulmiyena wey og yihiin, Baashena wuu og yahay, ilaa xalay ilaa maanta waxa la nagu waalaayey Golaha ha naga burburinina, aynu wada hadalno, Goluhu xaqa haddii uu u soo noqdo miyuu ku burburayaa, maya weeye, Golaha oo sharciyadiisi saxda ahayd oo uu u soo noqdo miyuu ku burburayaa, maya weeye”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble mar uu ka hadlaayey cida iska leh khaladkan uu sheegay inuu Golaha ka dhacay ayaa yidhi  “Laba qoluun baa arintaa dambigeeda leh, waan caddeyn doonaa, waxayagii waanu haysanaa, imika tani umadda iyo bulshada ayaanu wixii dhacay gaadhsiinaynaa”.

 Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ee Golaha Wakiilada Siciid Warsame Ismaacil (Gaane) ayaa isna yidhi“Waxaanu iskugu nimid wixii in aanu caddeyno wixii shalay meesha ka dhacay iyo halkay maanta taagan tahay, shalay halkan waxa ka dhacday Doorasho ay ku tartamaayeen Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaanadu iyagoon aan Xisbi ahayn wax kalena ahayn, ayaa iyagoo fikirkooda aamisan nin waliba wixii caqligiisu siiyey baanu u kala codeeynay, dambi weyn baa dhacay, tiradii oo ah 39 uu helay Cabdiraxmaan maxamed Talyanle, iyadoo aanu ahayno markhaatiyadeedii, oo la tirinayo, oo la hayo wax alaale wixii muqaal ahaa ee nool, Goluhu maaha sidii hore, Goluhu wuxuu leeyahay qalabkiisi, waxa jira dambi toos ah, oo la galay, tana waxay horseed u tahay haddii ay ka garnaqsan weydo Xukuumaddu, in aan ta weyna ka garnaqsanaynin, wax lagu gali karo oo Doorashada weyn lagu sugi karo maaha”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa isna yidhi “Waanu hambalyeynay, oo waad ogaydeen, markaanu tirsanay 39  baa halkaas taagan oo hebel iyo hebel iyo hebel oo aanu hubinay in aanu 39 helnay sidaas ayaanu ku caddeynaynaa, maxaanu u hambalyeynay, waa lanaga badiyey ayaanu u hambalyeynay, 39 markii aanu is tirsanay ee aanu mid waliba dhaarinay, ee aanu nidhi ma meel kale ayaad u coddeeysay,ee la yidhi walaa imikaan la taagan nahay oo meel kale umaan coddeeyn, Baashe iyo Cabdiraxmaan Talyanle ma kala xigsanayne, mid walba intii u coddeeysay baa hor taagane, ee ha la kala garnaqsado ayaa meesha taala.”

Xoghayaha golaha wakiilada

Xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ah ninka ay xildhibaadan mucaaradku ku tuhusanyihiin is daba marinta ay sheegayaan ayaa isna yidhi "Codkaas dhacay Talyaanle ayaa horeeyay guddoomiye Baashe waxa uu codsaday inuu isagu horeeyo, markii Talyanle la horaysiiyay 38 ayuu noqday meeshana 78 ayaa fadhiday marka guddoomiyaha laga reebana 77, sidaas ayaan Cali Yuusuf ugu gudbiyay inay 38 tahay waxa soo hadhaayayna 39 ayay ahayd oo Baashe helay, sidaas ayuuna Beeshe ku guulaystay oo ku helay, waxaas laga hadlayaana anigu waxaan u arkaa baroortu orgiga ka weyn.Sharaftayada iyo karaamadayada sida aanu u ilaalino xildhibaanada tooda ee aanu hadh iyo habeenba ugu shaqayno waxaanu jecelnahay inay sharaftayada iyo karaamadayada u ilaaliyaan. Kamaradaayagii anaga ayaa hayna haddii golaha wakiiladu uu u baahdo, kuwan la'la wareegayaa waa kuwo cid gaar ah ay sidatay oo been sheegaya maaha kuwii golaha. Aniga ayaa maxkamada tagaaya oo sharaftayda iyo karaamadayda beenta intaas leeg ee layga sheegay aniga ayaaba imika dhibane ah oo dacwad furanaaya, arintaasna waxba kama jiraan guddoomiyahana Baashe ayaa ah."

Aragtida xukuumadda

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u sheegtay inay guddoomiyaha golaha u aqoonsantahay xildhibaan Baashe Maxamed Faarax. Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa yidhi "Dawlada uu hogaaminaayo madaxweynaha JSl Axmed Maxamed Siilaanyo waxay si cad oo aan badhbadh lahayn oo aan muran ku jirin u qaadatay natiijadii golaha ka soo baxday, sida ay umadda Somaliland oo dhan u qaateen, waxaanu aamminsanahay haddaanu xukuumada nahay in si sharci ah  oo xalaal ah hal dheeri lagu doortay guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland kaasuna uu yahay Baashe Maxamed Faarax, xildhibaankii laga badiyay Cabdiraxmaan Talyanle isaga ayaa natiijada carabkiisa kaga dhawaaqay kuna hanbalyeeyay guddoomiye Baashe,waxa cad in hawsha xisbigaasi ay isugu soo ururtay waxii ay caadaysteen ee xisbiga Waddani uu marwalba ku muujinayay sida uu u dhaawacayo deganaanshaha iyo xasiloonida dalka Somaliland ee aynu ku noolnahay."