Isticmaalka Badan Ee Taleefanka Gacanta Oo La Ogaaday In Uu Keeni Karo Cudurka Kansarka

41
3253


Washington (Geeska)- Warbixin caafimaad oo ay soo saareen cilmibaadhayaal u dhashay dalka Maraykanka oo ku xeeldheer cudurka Kansarka ayaa lagu sheegay suurtagalnimada khataro caafimaad oo uu keeni karo isticmaalka badan ee talefanka gacantu. Jiir lab oo ay xeeldheereyaashu tijaabo ahaan ugu fureen fallaadho iyo mawjado la mid ah kuwa uu sii daayo taleefanka gacantu ayaa sababay in uu kansar ku dhaco nudaha ku xeeran wadnaha xayawaankan.
Warbixintan oo qayb ka ah barnaamij uu diyaariyey maxadka qaranka ee cilmiga caafimaadka iyo deegaanka ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in jiirkii dhedigga ahaa ee tijaabadan mid la mid ah lagu sameeyey aanu ku dhicin cudurka kansarku.
Tijaabadan ayaa muujisay in tirada jiirka cudurkani ku dhaca ay boqolkiiba 6 ka noqonayso tirada jiirarka lagu sameeyey tijaabada. Waxaa se xusid mudan in nooca kansar ee lagu arkay uu yahay mid dhif ah, oo haleelaya nudaha neerfeed, ee wadnaha agagaarkiisa ku badan.In kasta oo ay saynisyahannada barnamaijkani sheegeen in ay kala duwanaan karaan xaddiga fallaadhaha ah ee jiirka lagu sii daayey iyo ka dhab ahaan ka soo baxay taleefanka gacanta oo waayadii dambe ay shirkadaha soo saaraa ku dadaalayeen in ay dhimaan wixii fallaadho ah ee uu soo saari karo, haddana waxa ay abuuraysaa su’aal ah in wax la iska weydiiyo xaaladaha caafimaad darro ee ka dhalan kara isticmaalka badan ee talefanka gacanta.
John Butcher oo ah caalim weyn oo ka tirsanaa barnaamijka Waddaniga ah ee daweynta suntan ee dalka Maraykanka ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya sheegay in noocan kansar ee jiirka ay ku arkeen uu la mid yahay noocyo kale oo kansar oo cilmibaadhiso hore ku sheegeen in isticmaalka badan ee talefanka gacantu keeno, “Arrinta dareenka lihi waa taas” ayaa uu yidhi Butcher. In kasta oo uu sheegay in nooca kansar ee daraasadaha hore ku arkeen dadka aad u isticmaala talefanka gacantu uu ahaa mid ku dhacay dhegta, ama agagaarka maskaxda.
Dhinaca kalana waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in kaaha ka soo baxa talefanka gacantu uu dhegta ku sameeyo tamar kulayl keenta, kulaylkaas oo marka uu muddo jidhka ku dhaco beddela shaqada unugyada maskaxda.
Butcher oo ka warramayey sababta xilligii tijaabada ay dhibaatadani ugu dhacday jiirka labka ah oo keliya, ayaa sheegay in laga yaabo in ay tahay maskaxda labka oo sideedaba ka weyn maskaxda dheddiga, taasina ay keeni karto in ay nuugto xaddi fallaadhaha iyo kaaha talefanka ah oo ka badan ka ay qaadanayso maskaxda dheddigu. Waxa aanu ku taliyey in natiijada daraasaddan logoa faa’iidaysan karo in mustaqbalka la abuuro tiknoolajiyad taleefanka gacantu ku shaqaynayo oo awood u leh in ay dhinto dhibaatooyinka noocan ah ee caafimaadka aadamaah ka soo gaadhi karta.
Ugu dambayntii waxa uu Butcher sheegay in tijaabooyinka ay cilmibaadhistani samaysay ay ku kooban yihiin hirarka ay bixiyaan Jiilka labaad (2G) iyo Jiilka Saddexaad (3G) o oah kuwa illaa hadda dunida loogu isticmaal badan yahay dhinaca xidhiidhka taleefannada. Laakiin aanay weli daraasad ku samaynin labada jiil ee Afaraad iyo Shanaad (3G iyo 4 G) oo iyagu adeegsada hirar ka duwan kuwa ay isticmaalaan kuwaas hore, sidaa awgeed u baahan yihiin in si gaar ah loo baadho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here