Iska Jir In Qofka Koomada Ku Jira Aad Ereyo Aan Fiicnay Ka Dul Tidhaahdo! Waayo Waa Uu Ku Maqlayaa

0
904

Pretoria (Geeska)- Martin Pistorius oo ah qoraa iyo farsamo yaqaan sameeya bogagga internet ka (Websites) oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa galay shil ku keenay kooma uu ku jiray muddo 12 sano ah oo marxalado kala duwan ahayd, kadib markii uu shil gaadhi galay.

Martin in kasta oo uu waxoogaa soo ceshaday xakamayntii xubnihiisa gaar ahaan waaxyaha, haddana weli waxa uu u baahan yahay in uu hadalka u isticmaalo kombiyuutar loogu talogalay dadka xaaladdaas ah oo uu haysto. Laakiin naafanimadu kama ay reebin noloshii caadiga ahayd oo imika waa qoraa caan ah, waxa aanu jeediyaa khudbado aad loo dhegeysto. Sannadkii 2009 kiina waa uu guursaday.

Haddaba arrinta naxdinta lihi waxa ay tahay in Martin markii uu ka soo baxay Koomadan uu ku jiray muddada 12 ka sano ah ee aanu hadal iyo dhaqaaq midna lahayn illaa uu noqday da’da 24 jirka.

Dadka marka uu maskaxda dhaawac ka soo gaadho, oo inta badan ku timaadda shilalka ama wadne wareenka daran, waxaa qofka ku dhaca miyir doorsoon aanu xitaa xubnaha dhaqaajin karin. Mararka qaarkood qofku indhaha waa uu kala hayaa, oo keliya jawaabta celinta iyo dhaqdhaqaaqa ayaa ka maqan, mararka qaarkoodna indhaha ayaa isku qabsoon ama uu kala hayaa oo aan dhaqdhaqaaq lahayn.

Haddaba sida ay cilmibaadhisaha caafimaadku xaqiijinayaan xaaladaha uu qofku Koomadad ku jiro, in badan oo ka mid ah waxa uu si fiican ula socdaa waxa hareerihiisa ka dhacaya oo keliya aanu ka dareen iyo jawaab celin karayn, waana sababta ay tahay in dadka qofka xaaladdan ku jira hayaa ay mar kasta uga taxaddaraan hadallada taban ee ay ka sheegayaan bukaanka ama duruufaha ku xeeran iyo xaalado uu ka damqanayo.

Wargeyska The Independent ayaa dhowaan baahiyey warbixin si faahfaahsan uga sheekaynaysa xaaladda wiilkan Martin, oo sheegaysa in markii uu bogsaday ee miyirku u soo noqday, uu qoyskiisa uga sheekeeyey dhammaan hadalladii ay ka dul odhan jireen oo uu maqlayey balse aanu ka jawaabi karayn.

Arrimaha naxdinta leh ee uu Martin maqlay sida uu markii dambe sheegay waxaa ka mid ahaa hooyadii oo markii ay muddo la dhib mudatay, isla markaana quus ka istaagtay in uu soo caafimaado, ku calaacali jirtay in Alle uga raaxeeyo.

“In aad iska dhimato ayaa aan kuugu duceeyey” ayaa ay odhan jirtay marka ay rogrogayso ama cuntada ku qulaaminayso.

Inta badan dadka qofka xaaladdan oo kale ku jira soo dul istaaga ama ka dul sheekeeyaa dhaqso ayaa ay noloshiisa uga quustaan, markaa geeri iyo hebello la mid ahaa oo dhintay iyo haddii uu dhinto waxa dhib reerkiisa ama ubadkiisa gaadhi doonta iyo in aanu ka kaxayn xaaladdan ayaa ay ka sheekeeyaan, waxa se ay dhakhaatiirtu ka digayaan in qofkan hadalladaas la maqashiiyo, waayo waxa ay ku keenaysaa xaalad nafsi ah oo warwar iyo walbahaar leh, taas oo sii xumaynaysa xaaladdiisa caafimaad ee marka horeba liidata.