In Aad Faqiir Tahay Kuuma Diidayso In Aad Deeqsi Noqoto

27
3014

Washington (Geeska)- Gabadh u dhalatay dalka gobalka New Jersey ee dalka Maraykanka ayaa nin derbi jiif ah oo mar caawiyey ugu abaalguddoay boqollaal kun oo doolarka Maraykanka ah.

Keith McClure oo 27 jir ah ayaa degelka ‘Go Fund me’ oo loo isticmaalo ururinta tabarucaadka waxa ay ka furtay xisaab tabaruc oo loo ururinayo nin lagu magacaabo John Puppet Junior oo ah derbi jiif, kaas oo mar uu gabadhan gaadhi kaga shidaal belay meel cidlo ah uu ku caawiyey 20 doolar. Taas oo ku abuurtay dareen xooggan oo ay doonayso in ay tallaabadaas bani’aadamnimo ee ninkan ka bixiso abaalgud weyn, isla markiiba boggan tabaruc ururinta ah ayaa ay furtay, waxa aanay illaa jimcihii ina dhaafay ururisay lacag dhan 325 kun iyo 420 doolarka Maraykanka ah, iyada oo lacagtu weli sii kordhaysay saacad kasta iyo maalin kasta.

Pubbit oo 34 jir ah ayaa sheegay in uu hore uga tirsanaan jiray ciidamadda badda ee Maraykanka. Waxa uu sheegay in uu muddo hal sano ah bilaa guri ahaa.

McClure oo ka warramaysa sida ay ninkan ku kulmeen ayaa iyaduna sheegtay in iyada oo ku jirta safar ay isaga gudbaysay laba gobal oo Maraykanka ah, goor habeennimo ah uu gaadhigu ka goostay shidaalka. McClure wax lacag ah ma’ay sidan, xilli ay xaaladdu ku adag tahay ayaa ay aragtay Pubbit oo jidka hareer fadhiya, korna u haya boodh yar oo muujinaya in uu dawarsanayo. Pubbit markii uu arkay gabadhan shidaalku ka go’ay ayaa uu ka dalbaday in ay gaadhigeeda ku noqoto oo ay isaga ka war sugto, cabbaar kadibna waxa uu u keenay tanag baatrool ah, sida oo kale waxa uu siiyey 20 doolar oo ah inta keliya ee uu haystay, isaga oo diiddan in ay fara madhnaan safarka sii waddo, si aanay mar kale cid lo’ ugu qabsan.

Pubbit oo idaacadda BBC uga warramay sababta ku kalliftay in uu gabadhan siiyo lacag iyo shidaal waxa uu ku jawaabay, “Waxa aan arkayey in ay caawimo u baahan tahay. Aniga shakhsi ahaan marka aan is eego maalin kasta lacag ay dadku igu caawiyaan ayaa i soo gasha, mar haddii aan arkay qof iga liita oo aan caawin karo, waa qasab in aan caawiyaa.

McClure si joogto ah ayaa ay ugu timaaddaan ninkan darbijiifka ah si ay xaalkiisa uga war hayso, waxa aanay u keentaa dhar, cunto iyo lacago. Ugu dambayntiina iyada oo saygeeda kaashanaysa ayaa ay bilowday ol’olaha dhaqaale ururinta oo ay doonayso in ay Pubbit kaga filnaato kiro guri, gaadhi, dhar iyo cunto, iyada oo caawimadaas loo sii wadayo illaa inta uu shaqo ka helayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here