Imaaradka Oo Soo Masaafuriyay Wiil Reer Somaliland Ah Oo Tartanka Quraanka Ku Jiray

0
805

Hargeysa(Geeska)-Dalka Imaaraadka Carabta ayaa soo mustaafuriyay wiil u dhashay Somaliland oo isagoo metelaya Soomaaliya  ka qaybgalay tartankii quraan akhriska ee sanadkan kadib markii dawlada Somaliya ay la safan wayday dalalka go'doomiyay dalka Qatar ee Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Ismaacil Cumar Madar ayaa sidan warfidiyeenada ugu sheegay mar uu ka soo dagay garoonka diyaarada ee Cigaal ee magaaladda Hargeysa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa"Maalintii hore shaariqa ayaanu joognay, Abu Dubai ayaa ka horaysay shalayna [doraad] Cajmaan ayaanu nimi maadaama oo Soomaalidu ay masaajidadii tukiyaan masjid ayaanu isugu nimi oo aanu ku lahayn afurkii, kadib nimankii nidaaminta tartanka ku qornaa ayaa isoo wacay waxay igu yidhaahdeen waa inaad timaadaa xafiiskii jaa'isadaha ilaa saacadna waanu ku sugi karaynaa, markaas waayahay ayaanu ku idhi, waan imi kadib waxay iiso bandhigeen in diyaaradu ay buuxdo dadkuna ay wada noqonayaan oo ay ciiddii tahay sidaas awgeedna aanan heli doonin diyaarada, waan ka diiday oo waxaan idhi maadaama oo diyaarada kursigaygu ku qornaa lama buuxin karo, si gooni ah ayaanu isku raacnay markaas waxay yidhaahdeen madaxweynaha dalku ma ogola inaad sii joogto; markaas waxay noqon doontaa inaad adigu iska socoto tigidhkaagii waa uu go’an yahay oo waanu dhamaynay shahaadooyinkaagii iyo waxaagii waanu dhamaynay gaadhigiina waa uu kuu taagan yahay ee labaatan daqiiqo oo aad dalka kaga bixi karto ayaad haysataa ee alaabtaada soo qaado, waanu jeclayn inaad nala joogto laakiin waa arin naga culus oo xaga sare inagaga yimi, kulanka tartanka waxa maamula la taliyaha raysalwasaaraha madaxweynuuna waa uu maalgaliyaa, tartanka nin walba calankiisii ayaa horyaala markaas maxay Somaliya uga soo muuqanaysaa waxaana soo dhowayd natiijadii oo habeenka jimcaha ayaa la sheegayaa,waxaanu rajaynaynay in sanadkan Somaliya ay isku mid noqdeen Sucuudiyaanka oo aad loo rajaynaayay, waxaana la sugaayay in ama aniga nala siiyo ama Sucuudiyaanka laylamana sugin Alle ayaa mahadleh hadii aan ka nabad imi."

Wiilkan oo ah reer Hargeysa wuxuu sheegay inuu tartanka kaga qayb galay magaca dalka Soomaaliya maadaama oo Somaliland aan la aqoonsanayn islamarkaana aanay ku jirin dalalka tartamayay.