Hormoonka Jacaylka Oo La Xakameeyaa Waxa Uu Yareeyaa Warwarka Bulsho Ee Qofka Ku Dhaca

0
1296

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in Hormoonka Oxytocin oo sida oo kale lagu magacaabo ‘Hormoonka jacaylku ay caawinayso daweynta xaaladaha nafsiga ah ee ay ka mid yihiin qulubka, sakatiga, diiqadda iyo shoogga, waxa kale oo ay yaraysaa fursadaha ay ku iman karaan xaaladaha warwarka ama walaaca bulshada.

Daraasaddan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Washington, natiijadeedana lagu faafiyey Joornaalka caafimaadka dhimirka ka faallooda ee Journal of Biological Psychiatry ayaa lagu ogaaday in Hormoonkan oo shaqadiisa la carqaladeeyaa ay xal u noqon karto ka soo kabashada xaaladaha warwarka bulsho ee qofka ku dhaca mararka qaarkood. Xeeldheerayaasha daraasadda sameeyey waxa ay sheegeen in tijaabooyinkii la qaaday lagu ogaaday in Hormoonka Oxytocin uu xidhiidh la leeyahay dareenka jacayl iyo qiirada qofka, isla markaana uu aad u firfircoonaado xilliga xidhiidhka jinsiga ah, waana sababta hormoonka Oxytocin loogu bixiyey magaca uu caanka ku noqday ee ah, ‘Hormoonka jacaylka’

Ugu dambayntii waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in dawooyinka liddiga ku ah korodhka iyo firfircoonida Hormoonka Oxytocin ay noqon karaan dawo awood badan oo lagula tacaalo khalkhalka iyo xaaladaha caafimaad darro ee nafsiga ah.