Hindiya: Maalmo Koobnaa Iyo Mahadhooyinkoodii Qalinkii: C/risaaq Saalax…(Q. 1aad)

0
62

India in aad joogto dareenkeedu kaama soo daahayo. Markiiba waxaa lagugu kadinayaa kala duwanaanshiyaha nololeed ee u dhexeeya tan iyo taad ogayd. Dareenkaas kala duwanaansho kuma koobna oo qudha aniga iyo inta ila midka ah ee Dalkii ama Africa-ba ka soo hayaantay. Shanta qaaradood ee dunida, qofkii kasta ee middood ka yimaaddaa, wuxuu kuu sheegayaa, wax uun uu la yaabay amaba qariibsaday.

Isla Markii aan imidba, iska daa in aan u soo seexdo’e, wax iga yaabiya la kulankiisu, iguma simin hal saac inuu iga dib dhaco.

Markii aanu Hooyo, iyo Heeryadayadii aanu sidanayba aqalkii noo sii diyaarka ahaa ku hubsannay ayaanu aniga iyo C/rashiid, dib suuqa ugu soo noqonay, si aanu wixii baahiyaad daruuri ah u soo gadano. Haddiiba aanu hawshii soo dhamaynay, Makhaayad lagu xoonsan yahay, ayaanu ku baydhnay si aanu wax uga cunno. Mise cuntaba, mid kaliya ayaa lagu og yahay. Tii ayaanu laba ka dalbannay. Biriyaani-gu waa cunto hindi ay magaaladdani aad caan ugu tahay. Waa dheri, malahayga xaddiga bariiska iyo basbaaska ah ee lagu shubay aanay kala badnayn. Oo inta geedo iyo xawaash lagu iidaamay, waslad digaag ahna la ruubay, disdi yar oo kooban oo dari leh lagu soo dhooro. Biriyaanigu iguma cusbayn, balse noocan ayay ii kow ahayd. Waligay cunto uu basbaasku sidaa ku yahay ma aan dhandhamin. Afar caagadood oo biyo ah ayaan la daba joogsaday, si aan kulka basbaaska isaga damiyo. Waxaa la yaab igu ahayd, dadka meesha ka cuntaynayaa, saaxiibkayna ku darro,  sida sahalka ah ee ay ugu dul sheekaysanaan. Anna xarbi bay iga bas ahayd.

Haddiiba, aanu farihii tiranayno, warqaddii qaansheegta ayaa miiskii naloo soo saaray. Mise wax aannaan filanaynba baa ku qoran. INR 240 (rubi). Maadaama aanan wali nidaamka isku badalka lacagtan la qabsan, saaxiibkey ayaan toyday inta ay doolar ku noqonayso. Saa intii aan filayayba ma aha; umana dhawa!

Waxaan isla markiiba dib ugu noqday, Hargeysa. Qadaddii iigu dambaysay ee aan makhaayad ka cunaa, intii aanan soo bixin isla biriyaani ayuu ahaa. Mid ka mid ah Hudheeladda Hargeysa, ayaanu si aan ku talo-gal ahayn uga calfanay. Qiimihii maalintaas lanagu soo dallacay, waxa uu ku dhawaad toban jeer ka badnaa kan maanta lana hor hayo. Biriyaanigu Hargeysa oo uu magan ku ahaa, waxaanu ka bixinay $30, isagoo minankiisii yaallana waaba $3. Waa markii uu yaabkaygu yaab qun ugu banaanaaday! Qiimaha maciishadda ee meel, waxaa laga qiyaasi karaa, cuntada la cuno. Waxaad halkaa ka cabiri kartaa, farqiga nololeed ee u dhaxayn kara, magaaladdii duruufta la huri waayay ay iga soo saartay iyo tii aan wax soo mooday. Waa maalintii aan is moodsiiyay, Hargeysi in ay Newyork-na ka nolo qaalisanaan karto.

Hadii aynu xagga maciishadda ku siqno, India waa dal wayn oo nolosheedu ballaadhan tahay. Waa dal ay nolosheeda qaabeeyaan dabaqadaha iyo haynta kala sarraysa ee dadka. Waa meel haddii aad u baahato inaad fatoosh-to, aad hal habeen ku cashayn karto boqol kun oo dollar ($10,000) ama wax ka badan; haddii ay dantu ku fartona aad kaga bogan karto wax ka yar 0.1 Doolar! Haddiise la isku xooriyo, waa dal noloshiisu aad u jaban tahay.

Mabaadi’da malahayga ay fiicnaan lahayd in aynu kaga dayano waxaa ka mid ah; India, wixii ay ahaan lahayd in ay raqiis ahaadaan, waa raqiis; wixii ay tahay in ay qaali noqdaan-na waa qaali! Innaga teennu dhanka kale ayay ka rogan tahay (Wixii ay fiicnaan lahayd in ay raqiis noqdaan ayaan la goyn karayn…) Tusaale ahaan, dabka (electricity) oo innaga halkii mar ee uu taayirka saacaddu is rogo (Kiiloo Waat) innagu joogo wax gaadhaya $1 (Inkasta oo ay jiraan meelo uu ka hooseeyaa), India waxa lagu dhuftaa INR 4/- oo u dhiganta $0.059. Taasoo ka dhigan, in $1 oo u dhigma INR 67 aad shidan karto dab xaddigiisu gaadhayo 17 KW. Halkaa haddaynu ka joogsano, Miyaynaan odhan Karin, $17 ee Waddankeena hal mar wax gooya, India Waxaa wax lagu iibsan karaa 17 jeer? Bal adba!

Tusaalaha labaad, xabbadda siggaarka ah ee waddankeena ka joogta wax ka yar SLSH 500 ($0.57), India waxa ay ka tahay INR15/- ($0.22 Cents). Ilayn waa magaalo’e, walow ay jiraan sigaarro aad raqiis u ah, haddana laba arimoodba waa loo qaaliyeeyey; waa ta koowaade, in sigaarka iyo dadka isticmaala la kala dhex joogsado, iyo ta labaad oo ah in cashuur dawladdu ka hesho. Murtidu waa, India, qof waliba – oo awooda – waa uu heli karaa dab uu shito, in ka badan inta uu goyn karo sigaar uu cabo!

Dunidan casriyowday, baahiyihii nolosha seeska u ahaa, way sii kordheen. In aad hesho, is gaadhsiin casri ahi waa daruuri aan laga dul boodi Karin. India – intii aan ka arkay – waxaa jira in ka badan toban shirkadood oo bixiya adeegyada telefoonadda. Sideena oo kale shirkaduhu ma kala oodna. Xaasha! Way isku wada furan yihiin. Haddana, hadh iyo habeenba, waxa ay ku jiraan tartan aan kala go’ lahayn. Hindidu, waa dad u bislaaday in ay hirarkaa tartarka ah ay hadba tii danteeda ah ay la sabbeeyaan. Cel-celis ahaan, INR.100 ($1.5) waxaad ku hadli kartaa 100 daqiiqo.

India quutal-daruuriga waxaa kaa bad-badanaya $100 bishii. Badeecad kasta oo aad iibsanayso qiimaheedu wuu go’an yahay oo qaddarkiisu dheegga ayuu alaabta kaga yaallaa.Marka aad tahay qof socoto ah, Kuma jaah-wareeraysid inaad ogaato qiimayaasha alaabta marka laga yimaad adeegyadda qaarkood (sida timo jaraha, mootada bajaajta IWM).

Dadka muddada gaaban joogaya – sidayada oo kale – laba shay ayaa aad qaali ugu ah; Kirada guryaha iyo adeegyada caafimaadka. Maaddaama aanay u baahnayn, in ay agabka guryaha oo ay bilo ka dib ka tagi doonaan iibsadaan, ajaanibtu waxa ay ku qasban yihiin in ay deggaan guri qalabaysan, oo qolka qudha bishii laga qaado $150. Qiimahaasi, aad buu qaali u yahay, markii lagu dhereriyo qiimaha rasmiga ah hindida iyo Soomaalida meesha degtay laga qaado. Wuxuuse qiime aad u hooseeya noqonayaa markii aad ogaato xaddiga laga qaado ajaaniibta kale qaarkeed. Gabadh u dhalatay dalka Zambia oo aanu isbitaal ku kulanay waxa ay ii sheegtay, in labada qol ee ay deggen yihiin iyada iyo odaygeedu laga qaado lacag dhan $900. Taasi waxa mahaddeeda leh, dhalin yarta Soomaalida ee meesha wax ka barata, oo Soomaalida ka caawiya arimahaa. Halka ajaanibtu marka ay soo galaanba ay isku dhiibaan Hindida.

Adeegyada caafimaadka, inta badan, wixii aan qalliin ahayni qaali ma aha. Markiise uu xaalku qalliin noqdo, qiimuhu waxa uu mararka qaar ka badan yahay laba ama saddex goor qiimaha rasmiga ah ee laga qaado dadka waddaniyiinta ah. Taas lafteeda, dhalin yarta ardayda ah ee Soomaaliyeed aad ayay intii suuro gal ah uga caawiyaan dadka Soomaalida.

La Soco……

Abdirasak Salah

Borama, Awdal.

Contact

0634466677

Abdirasaksalah@gmail.com