Haweenay U Dhalatay Maraykanka Oo Sheegtay In Dil Loogu Hanjabay Somaliland Gudaheeda

54
4525

Hargeysa(Geeska)- Dr. Anjanette Decarlo oo ah haweenay Maraykan ah ayaa sheegtay in Somaliland gudaheeda dil loogu hanjbay isla markaana dhawr jeer laga hor istaagay gobalka Sanaag oo ay doonaysay inay Cisbitaalna ka dhisto arimaha beeyada oo ay aqoon dheeraad ah u leedahayna ay soo indha indhayso.

Haweenaydayn u dhalatay dalka Maraykanka oo ku takhasustay arimaha deegaanka gaar ahaan beeyada ayaa sida oo kale sheegtay in warbaahinta lagu baahiyay warar ka dhan ah isla markaasna shaqsiyaad ay dabada ka riixayaan in iyada  Somaliland loo tuso dal aan nabad ahayn. Haweenaydan oo la hadashay warbaahinta waxa ay sida oo kale sheegtay “Sababta aanu Ceerigaabo u tagaynay waxa ay ahayd  inaanu soo xaqiijino dhul aanu cisbitaal ka dhigno oo aanu ka iibsanaynay magaalada Ceerigaabo, taas oo ka timid shacabka Ceerigaabo balse nasiib daro saddex jeer ayaa xabsiga nala dhigay xukun la’aan anaga oo Ceerigaabo u socona.”

Sida oo kale waxa ay sheegtay in loo diiday gobalka Saaxil deegaanadiisa si ay u soo indha indhayso waxa ay bulshadu u baahan tahay, waxa ay sheegtay sida oo kale in la soo gaadhsiiyay fariimo shaqsiyad ahaan loogu hanjabay in la dili doono.

Haweenaydan u dhalatay dalka Maraykanka ayaa qabta in Somaliland oo caan ku ahayd dhulkii beeyada loona baahan yahay in beeyadeeda lagu farsameeyo gudaha dalka, isla markaasna dibada sidaas loogu dhoofiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here