Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Digniin U Diray Shaqaalaha Dawladda

0
1095

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada Sharmaake Muxumed Geele ayaa shaaciyay inay shaqada ka eryi doonaan shaqaalaha dawlada ee ku dhex milma siyaasada isla markaasna agaasimayaasha guud ay u gudbin doonaan madaxweynaa si uu u anshax mariyo.

Sharmaake Geele guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada ayaa sida oo kale cadeeyay talaabooyinka ay qaadi doonaan, waxaana isaga oo arimahanka hadlaayay uu yidhi”Meel aad joogtaba digniintan maanta laguu soo dirayaa waxay noqonaysaa hawlaha kala duwan ee dhawaan bilaabmaya inaad noqoto adeege umadeed oo halka uu joogo umadiisa uga adeega, sharciga shaqaalaha dawladu waxa uu kuu damaanad qaaday xisbi iyo dawlad kasta oo timaadaa in aanay shaqadaada waxba yeeli karin in aanu ku taaban karin ilaa aad adigu qalad aad la timaado isbadalka qarankan ku dhacayaa adiga kuma saamaynaayo, sidaas daraadeed ayaan laguugu ogolayn inaad loolankaas ku dhex milanto, marka koowaad waa kuu digniin marka labaad caadaystow waa kuu shaqo ka saaris iyo adeega umada oo dibada lagaa dhigo, hadii aad ku soo baxdo magacow xisbiyada kala duwan ay magacaabayaan hal jaanis ayaad leedahay oo waa in lagu kala dooransiiyo, magacawgaas iyo adeegaha umada ka aad noqonayso, haddii lagugu arko astaamaha xisbiyada qaranka calankooda,buugtooda, kulamadooda iyo shir doceedyadoodaba, waxa laguu soo saarayaa digniin kama danbays ah, marka labaad ee lagaa soo gudbiyana ersi shaqada qaranka, waxa laguu sheegayaa in adeega umada iyo siyaasadu aanay ahayn  laba is gala, hada ogow laba gardaaqa,godod laynta iyo laba geed gurashada midna laguuma ogola ama waxaad noqonaysaa siyaasi u hanbaxa siyaasadiisa ama waxaad noqonaysaa adeege umadeed oo qarankiisa u adeega, sharciga shaqaalaha dawlada haayadu waxay ku fulindoontaa awood buuxda sida oo kale wareegtadii madaxweynuuna in aanay dhul u dhici doonin oo ay helayso cid anshaxa ku qaada, waxa laysku yahay ayaa ka weyn wax la kala yahay, dawladnimada ayaa ka weyn xisbinimada adigu ha ku milmin ee adeegaaga umadeed ayaa if iyo aakhiraba sharaf ku leedahay ku eekow.”

Sharmaarke Geele oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waxaan halkan ka magacaabayaa xubno aanu ugu talo galnay 21-cisho ee olloluhu uu socdo inuu si dhaw ay ula socdaan cid walba oo cabashadaas laga soo gudbiyo ama iyagu ay suuqa ka helaan, afartaas xubnood waxa ay noqon doonaan Cabdikariin Maxamed Daa’uud,Cabdiqani Saleebaan Jaamac, Cumar Xaaji Siciid Cabdilaahi, Siciid Faarax Axmed, waxay noqon  doonaan afarta gudida haayada shaqaalaha u soo ururin doona xogta cabashooyinka shaqaalaha ku milma ama xubin firfircoon ka noqda siyaasada qaranka, agaasima-yaasha guud ee qaranka ee madaxweynuu magacaabo sida sharcigu dhigaayo waa shaqaale dawladeed oo adeega umada ku aadan iyagana waxaanu halkan uga diraynaa inay shaqadooda ku eekaadaan oo ay ka baxaan ku milanka siyaasada, hadii la magacaabo isaguna shaqaalaha dawlada ayuu la mid noqon doonaa oo waxa loo diri doonaa inuu kala doorto hadii ku milankiisu bato marka koowaad waxa loo dirayaa digniin, marka labaadna madaxweynaha qaranka waxa aanu u diri doonaa inuu talaabo anashax ka qaado oo uu siyaasi ka dhigo kana saaro adeega umada, waxaanu halkan fariin adag uga diraynaa dhamaan shaqaalaha dawlada iyo cid walba oo adeega umada ku hawlanba inay u diyaar garoobaan in aan maalmaha adag adeegu dayacmin, caafimaadku ma qaadi karo kalkaaliso mashquul ah iyo dhakhtar siyaasad ka dhex wada, waxbarashada ardaygu ma qaadi karto macalin cid kale u ollolaynaaya, waxaanu dhamaan shaqaalaha dawlad faraynaa noqo adeege umadeed oo sharfan.”