Guddiga Doorashooyinka Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay Natiijadii Doorashada Ee Ku Meelgaadhka Ahayd

25
3389

Hargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland si rasmi ah ugu gudbiyay natiijadii doorashada madaxtooyada Somaliland, si ay maxkamadda sare u sharciyayso natiijadaas oo ku meelgaadh ahayd.

Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay guddomiyaha maxkamadda sare ahna guddoomiyaha guddiga cadaaladda JSL Md. Aaden Xaaji Cali Axmed. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maxkamadda sare guddiga doorashooyinka ka qabatay natiijadii ku meelgaadhka ahayd islamarkaana ay 7 maalmood oo ka bilaabma maalintii natiijada lagu dhawaaqay ay maxkamada sare ku sharciyayn doonto. “Way na soo gaadhay natiijadaasi, waanan ka qabanay guddiga doorashada.” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda sare.

Sharciga ayaa dhigaya in ciddii cabasho ka qabta natiijada doorashadu ay toddoba cisho oo  ka bilaabma  maalinta lagu dhawaaqay maxkamadda sare ugu gudbiso tabashadeeda. Laakiin sida hadda muuqata natiijada doorashadii madaxtooyada ayaa waxa wada aqbalay xisbiyada, waxaana la filayaa inay maxkamadda sare dhawaan soo saarto natiijada oo sharci ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here