Golaha Ammaanka Ee Qarmaada Midoobey Oo Mar Kale Cusboonaysiiyey Cunaqabatayntii Hubka Ee Soomaaliya

0
987

New York (Geeska)- Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale cusboonaysiiyey cunaqabatayntii hubka ee hore ay Qaramada Midoobey saartay Soomaaliya.

Qaraarka uu golaha ammaanku ku cusboonaysiiyey cuna-qabataynta Soomaaliya ayaa yimid maalmo uun kadib markii ay soo baxday warbixinta Guddiga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan la socoshada dhaqangalka cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteriya. Warbixintaas ayaa lagu sheegay in dalka Isutagga Imaaraadka Carabtu uu jebiyey cunaqabataynta hubka ee saarnayd dalka Ereteriya, kadib markii uu dalkaas geeyey hub.

Waxa kale oo ay warbixintu sheegtay in ciidamada Imaaraadka Carabtu ay isballaadhin ka wadaan saldhigga ay ku leeyihiin meel ku dhow dekedda magaalada Casab ee dalka Ereteriya, iyada oo dawladda Imaaraadka ku eedaysay in ay u lug leedahay saanado millateri oo gaadhay dawladda Ereteriya iyo in iskaashi ciidan oo dhex maray labadooda dhinac.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa ay intaas ku dartay in Guddiga la socoshada cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobey ay warbixintoodan ku sheegeen in Ereteriya ay taageerto kooxo hubaysan oo amni darro ka wada dalalka Itoobiya iyo Jabbuuti.

Cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran ayaa uu golaha ammaanku muddo ka hor qayb ahaan ka soo reebay, kadib markii uu ogolaaday in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya hub la gaadhsiin karo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abubakar Daahir Cusmaan ayaa isaguna naqdiyey qaraarka golaha ammaanka, isaga oo ku dooday in ay ahayd in lagu sheego dhibaatada Soomaaliya ka soo gaadhay muranka dalalka Khaliijka Carabta, isaga oo sheegay in khilaafka Khaliijku uu ku soo fiday Soomaaliya, isla markaana uu khalkhal ku hayo xasiloonida dalkiisa. “Qaraarku ma’ uu tilmaamin raadka uu khilaafka khaliijku ku yeeshay dalkan Afrikaanka ah, haddii ay tahay furfuranka siyaasiga ah iyo haddii ay wax kale tahayba” sidaas waxaa yidhi Aubabakar oo muujinaya in uu ka xun yahay in Qaramada Midoobey marka ay hubka ka hadlaysay aanay haddana soo qaadin saamaynta khilaafka Khaliijku ku yeeshay Soomaaliya. Isaga oo arrintaas ka sii hadlayana waxa uu yidhi, “Rajo ayaa aanu ka qabnay, in uu qaraarka golaha ammaanku noqdo mid ka cad sida uu hadda yahay, gaar ahaan marka uu ka hadlayo muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madaxbannaanida siyaasadeed, qarannimada iyo nabadgelyada gobalka, iyo in uu wax kale oo kastaba ka horreysiiyo midnimada Soomaaliya”

In kasta oo uu danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey aad ugu celceliyey in Soomaaliya ay doonaysay in Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu go’aankiisan ku soo daro wax u eeg farogelin milateri oo uu ku eedaynayo dalal aanu magacaabin oo ka mid ah khaliijka, dad badanina u fasirteen in uu ka hadlayo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo xidhiidh dhow la leh maamul gobaleeddada Soomaaliya, isla markaana heshiis maalgashi iyo saldhig milateri ah la galay jamhuuriyadda Somaliland oo ay Soomaaliya ku andacoonayso in ay qayb ka tahay. Haddana waxaa aad la isu weydiinayaa sababta uu danjiruhu walaaca uga muujinayo xidhiidhada dalal gacanka ka mid ahi la leeyihiin qaybaha aynu soo sheegnay iyada oo la ogyahay in dalka Imaaraadka oo uu u duur xulayaa joogitaan milateri ku leeyahay Imaaraadka iyo in dalka Turkiga oo qudhiisu aan ka fogeyn khilaafka khaliijka, lana safan dalka Qatar uu saldhiggiisa milateri ee Afrika ugu weyn ka furtay Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here