Geeska Afrika Oo Shaaciyay Masuulka Mutaystay Shakhsiga Sanadka Ee Xukumada Silanyo

12
1587

 

siyaad

Hargeysa (Geeska)- Qof kasta oo loo doorto in uu hoggaamiyo dal ama uu qabto hawl dadka ka dhaxaysa waxaa waajib ah in la helo hab loola xisaabtamo iyo cid si mug leh ula socota shaqadiisa, marka laga tago hay’adaha dawliga ah ee shaqadaa u xil saaran waxaa lama huraan ah in bulshada loo adeegayo oo iyadu hadba cidda talada haysa codkeeda ku dooratay in ay ogaato heerka wax qabad ama liidasho ee masuuliyiinta ciddii ay soo dooratay u xushay in ay maamulaan xafiisyada kala duwan ee noloshooda saamaynta ku leh.

Qiimaynta muwaadiniintu waa ay baahsan tahay, inta badan waxaa dhacda in aanay cidi iska xil saarin soo ururinta tabasho iyo ammaan hadba ta ay dadku u hayaan masuulka xilka ay u dhiibteen, gaar ahaan marka la eego bulshadeena oo badankeedu ku hoos dhashay dawlad aanay cidi la xisaabtamin wax kasta oo ay qabtaana sax yahay.

Maadaama oo aragtidii iyo qiimayntii dadku baahsan tahay cidda ugu habboon ee hawshaa qaban karta iskuna soo diba-ridi kartaa waa warbaahinta madaxa bannaan. Oo marka ay si masuuliyad iyo wadaniyadi ku dheehan tahay u shaqayso noqonaysa awoodda Afaraad ee dal dimuqraadi ah ka talisa. Waa awoodda soo raacda fulinta (Xukuumadda), sharci dejinta (Baarlamanka) iyo garsoorka (Maxkamadaha), weliba waxa ay saddexda kale dheer tahay kalsoonida shacabka oo iyadu ugu badsato, waa dhab oo qofka rayidka ahi isaga oo intaaba xilka u dhiibtay haddana in ay iyagu is xisaabiyaan kalsooni aad u buuran kuma qabo, haddii aynu si kale u dhigno waxa uu u arkaa col hoosta iska og. Sidaa awgeed waxa uu u baahan yahay cid isla bulshada ka mid ah, aan xil haynin, xil doonna aan ahayn, cid aan ganacsi iyo dano dhaqaale ku jirin oo aan habranayn oo si rasmiya u qiimaysa wax-qabadka masuulka qaran, soona ururisa aragtida taban iyo togan ee dadku ka qabo, ciddaasina waxa ay noqotay warbaahinta madaxa bannaan.

Haddaba wargeyska GeeskaAfrikaisaga oo ka duulaya masuuliyadda bulsho ee saaran, una arka in ay gar tahay in masuul kasta la qiimeeyo sammaan iyo xumaan waxa uu soo kordhiyeyna uu soo bandhigo. Markii si aqoon iyo caddaaladi ku dheehan tahay uu muddo u baadhay wax qabadka masuuliyiinta kala duwan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, heer qaran iyo heer gobolba, isaga oo si gaar ah u eegaya, waxa uu masuulku ku soo kordhiyey hay’addiisa iyo horumarka uu hiigsanayaa sida uu u yahay mid waaqaca waafaqsan oo aan ahayn mala awaal iyo qiiro, waayo qof kastaa waa u dejisan karaa hiigsi qurux badan, laakiin waxa ay is weydiintu tahay, ma yahay mid caqli gal ah, mase yahay mid ay suurtogal tahay in uu qofkan ama hay’addani ay ku gaadho waqtiya ay u xaddiday.

WargeyskaGeeska Afrika waxa uu ka badheedhayaa in shakhsiyadda sannadka koowaad ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uu u doorto, Maareeyaha wakaaladda biyaha ee Hargegysa, Md. Ibraahim Siyaad Yoonis.

Mar kale waxa uu wargeysku qiimayntiisa ku xaqiijiyey, maareeye Ibraahim oo da’diisu tahay 32 jir in uu daliil cad u yahay, heerka wax qabad ee dhalinyarada haddii fursad la siiyo ay ka geysan karaan horumarinta iyo dhamaystirka dhisme ee dalka.

Wax qabadka uu ku mutaystay xulashadan:

Md. Yoonis oo waxbarashadiisa jaamacadeed ku qaatay maaraynta ganacsigu waxa uu noqday maareeyihii intii muddo ah ugu horreeyey ee wakaaladda biyaha ku wada hab xisaabeed cilmiyeysan, iyo nidaam miisaaniyadeed oo ku salaysan dakhli iyo kharash isu dheelli tiran.

Waxa uu wargeyska Geeska Afrikaogaaday in Ibraahim ay u suurtogashay in uu beddelo nidaam inta badan ka jiri jiray hayadaha dawliga ah oo ahaa in deymaha masuulka hore ka tago la bixiyo intii suurtogal ah kuwo cusubna la galo, waxa aanu ku guulaystay in hay’addiisu bixiso lacag ka badan boqolkiiba 50 deymihiii maamulkii hore ku wareejiyey, isla markaana jadwal cad u samaysay bixinta deymaha baaqiga ku ah, iyada oo gebi ahaanba joojisay in deymo cusub oo waaweyn la qaato marka laga tago deymaha shaqo ee habka billaha ah dib uga baxaya.

Sida uu maareeyaha Wakaaladda biyuhu u xaqiijiyey masuuliyiintii ka socotay Wargeyska GeeskaAfrikaee muddo baadhitaanka ku haysay soo xulista xubinta sannadkan, waxa ay wakaaladdu hadda uun yeelatay kayd lacageed oo loogu talo galay in lagu xalliyo kharashaadka iyo hadba baahiyaha lacageed ee sida kediska ah u soo baxa ama in lagu soo iibiyo qalabka waaweyn ee ay wakaaladdu u baahato.

Wakaaladda biyaha ee magaalada Hargeysa waxaa dib u hayb iyo nidaamin ay ku samaysay shaqaalaheeda oo ay wax badan ka beddeshay nidaamkii habaqlaha ahaa ee lagu mushahar siinayey, waxa ay joojisay in mushaharka laga amaahdo shaqaalaha, sida aanu ka ogaannay dad shaqaalaha ka mid ahna waxa ay hadda mushaharkooda helaan bil kasta labada maalmood ee ugu dambeeya gudahooda, waxa uu maamulka Mr. Yoonis joojiyey habkii aan isu dheeellitirnayn ee xuquuqda lagu siinayey shaqaalaha, waxaana shaqaalaha loo sameeyey gunno ay wax-qabadkooda ku kasbanayaan iyo xaqal ciid, dhanka kalana waxa uu wargeysku xog ururintan ku helay in si weyn loola dagaalamay musuqmaasuqii shaqaale hoosaadka ee dadweynuhu ka caban jireen iyo weliba wax-is-daba marintii dhaqaalaha wakaaladda.

– Wargeyska GeeskaAfrikawaxa uu ka markhaati noqday in xarunta wakaaladda Biyaha ee magaalada Hargeyska lagu sameeyey dayactir iyo qurxin dhinaca dhismaha iyo xafiisyada ah.

– Muddada sannadka ah ee ay wakaaladda biyuhu gacanta ugu jirtay maamulka cusub ee uu hoggaaminayo Md. Ibraahim Siyaad, waxa ay markii ugu horreysay labatankii sano ee ay jirtay dawladnimada Somaliland lacag naqad ah oo ay wakaaladdu leedahay ku soo iibsadeen mishiin dab dhaliye ah oo qiimihiisu dhan yahay  $57000 (Kongton iyo toddoba kun oo doolar).

– Wakaaladda biyaha ee Hargeysa waxa ay soo kordhisay nidaam cilmiyeysan oo lagu samaynayo daraasado ku aaddan biyo soo saarka, tusaale ahaan waxa ay daraasad ku samaysay xaddiga biyood ee magaalada kafayn kara, waxa aanay xog ururin iyo sahamin cilmiyeysan ku samaysay goobo hore iyo kuwo cusub oo biyo dheeraad ah looga raadin karo magaalada, arrinta muhiimka ahi waxa ay tahay in wakaaladdu iyadu iska bixisay kharashka ku baxay daraasadahan.

Qorshaha wakaaladda ee soo jiitay indhaha:

Qorshaha wakaaladda biyaha ee uu wargeyska Geeska Afrika baadhistan kaga helay masuuliyiinta wakaaladda waxaa ku jiray qodobbo si gaar ah u soo jiitay indhaha masuuliyiinta wargeysku u igmaday baadhista, waxaana ka mid ahaa, in wakaaladdu qorshaynayso in baraagaha biyaha lagu xidho deyr. Waxa uu wargeysku u arkay qodobkaas mid muhiim u ah amniga biyaha iyo weliba in uu yahay qorshe ay wakaaladdu fulin karto iyada oo aan gacan shisheeye sugin, waxaanay masuuliyiin aanu wax ka weydiinay noo sheegeen in ramadaan kadib la bilaabayo.

Soo jeedinta Wargeyska:

Wargeyska GieeskaAfrikawaxa uu ku dardaarmayaa mabda’a ah in la dhiirigeliyo qofka dhanka wanaagsan talaabo u qaada, waxa aanu wargeysku ugu baaqayaa guud ahaanba muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda in ay ku dhiirradaan gacan qabashada masuulka ay u arkaan in xilkiisa uu gudanayo iyo in ay ku taageeraan wixii hadba suurtogal ah, si gaar ah waxaa waajib ku ah muwaadin kastaa, sida sharciga, xadaaradduba ina barayaan in uu sida saxda ah isaga bixiyo biilasha ku waajibay ee adeegyada bulsho lagu siiyo sida biyaha, si ugu yaraan ay masuuliyiinta hay’adaha dadweynaha gacanta ku haya ugu suurtogasho in ay helaan kharash ay ku wadaan hawlaha baaaxadda leh ee hor yaalla.

Wargeysku waxa uu ugu baaqayaa masuuliyiinta dawladda dhexe, oo uu ugu horreeyo madaxweynaha jamhuuriyaddu in la dardar geliyo la xisaatanka masuuliyiinta qaranka ee hawlaha kala duwan loo igmaday iyada oo la xisaabtanka iyo xog ururinta laga soo bilaabayo heer dadweyne, si runta aan looga fogaan, qiimayntuna aanay u noqon gar eexo, waxaana muhiim ah in masuulka hawshiisa qabsadaa ku mutaysto nooc uun abaalgud oo uu kaga soocan yahay kuwa aan wax buuran qaban ama fadhiidka ah.

Gunaanad:

Wargeyska Geeska Afrikaoo sannad kasta shakhsi ka soo xulan doona masuuliyiinta qaranku waxa uu dammaanad qaadayaa in cidda uu qiimaynta u dirayaa noqoto cid xog dhab ah raadisa, miisaanka ay sitaanna yahay mid irbaddiisu fadhio oo indho caafimaad qabaa dhowrayaan.

Ugu dambayntii waxa aanu u hambalyeynaynaa mareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeyska sida hawl karnimada leh ee uu u gutay waajibaadkiisa, waxa aanuna ka rajaynaynaa in intani noqoto bilow uun, oo dadaal iyo wax qabad kale oo badani u laaban yihiin.

Comments are closed.