Geeljire Oo Ku Taliyay In Ololaha Lagu Galo Jawi Nabadeed

0
778

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa ka hadlay ololaha bilaamay, loolanka Xisbiyada iyo Doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, waxaanu ku baaqay in ololaha lagu galo nabadgalyo iyo akhlaaq wanaag, oo laga feejignaado wax kasta oo dhib keeni kara.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland waxay qabsatay iyo doodii Musharixiintu ay muujinayso ilbaxnimada Somaliland iyo heerka ay Dimuqraadiyada ka gaadhay, waxaanu ugu horeyn yidhi “Marka hore ILLAAHAY baynu ugu mahadnaqaynaa Nabadgalyada uu inagu sugay iyo nimcooyinkaas badan, waxa la yidhi biyo socdoo meel godan bay iskugu tagaan wixii sannaadada aynu soo wadnay, ee dariiqa dheer u soo marnay, waxay iskugu imanayaan bisha dambe, gaar ahaan maalinta la coddeynayo, marka guud ahaan Saddexda Xisbi taageerayaashooda waxaan ugu baaqayaa inay akhlaaq wanaag, nabadgalyo, kalgacal iyo iyadoo qof walba wanaagiisa muujinaya  Dunida, Wadamada Afrika, gaar ahaan Wadamada Geeska Afrika waa inaynu tusaale wanaagsan u noqono, doodii Musharixiintu, waxay muujinaysaa inaynu nahay dad ilbaxa oo horumay,oo leh bisayal siyaasadeed,  Dimuqraadiyaduna dhab ka tahay,  markaas sidaas oo ay tahay waa in inagoo nabad qabna, oo Sharciga, Nabada iyo xadaarada ilaalinayna, ololaynaa, Doorashadana galnaa”.

mar uu si gaar ah uga la hadlaayey Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Taageerayaashada Xisbiga Kulmiye waxaan farayaa inay si wanaagsan u ololeeyaan, anigoo ku celinaya baaqa uu Musharaxahayga had iyo gooraale shir walba ka sheego, oo ah cay, aflagaado, dhibaato iyo sharci jabin wey inaga reeban tahay, qofkii Kulmiye ahaaw waddadu waa nabadgalyo, xil gooniya ayaa anaga na saaran, oo Xukuumaddiina waanu haynaa, sidaas darteed anigoo taladdan taageerayaasha oo dhan faraya, haddana taageerayaashayada aad baan u sii farayaa”.

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), wuxuu tacsi u diray ehelkii, qarabadii, asaaxtii iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, oo geeriyooday, waxaanu ALLE uga baryey inuu u naxariisto uu jannada ka waraabiyo.