Farmaajo Oo Wasiir Sucuudiyaan Ah Ka Diiday 80 Milyan Oo Dollar Oo Laaluush Ah Si Uu Xidhiidhka Ugu Jaro Dalka Qatar, Ulana Safto Xulafada Khaliijka

0
619

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa wasiir Sucuudi ah ka diiday inuu qaato lacag dhan 80 milyan oo dollar oo laaluush ah si uu xidhiidhka ugu jaro dalka Qatar, ulana mawqif noqdo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta The New Arab ee dalka Qatar ayaa shalay baahisay in wasiir ka tirsan dalalka Khaliijku isku dayay inuu Maxamed Farmaajo ku qanciyo inuu la mawqif noqdo xulafada Sucuudiga, laakiin uu wasiirkaasi isku daygaas ku guul daraystay.

Warbaahinta The New Arab may magacaabin dalka uu wasiirkaasi ka soo jeedo, wuxuuse sheegay in dalkaasi xataa dal kale oo Afrikaan ah u adeegsaday sidii uu Farmaajo ugu qancin lahaa qaadashada lacagtaas 80-ka milyan ah si uu xadhiga ugu jaro dalka Qatar.

Saxafiga Carbeed ee caanka ah ee Jaber Al-Harmi ayaa isna baahiyay warkan, waxaanu sheegay in dalkaas Carbeed ku guuldaraystay hawlgalkaas ka dhanka ahaa Qatar. “Wasiirkaasi wuxuu xataa isku dayay inuu Madaxweyne Farmaajo culays dheeraad ah saaro, isagoo u soo maray dal kale oo Afrikaan ah.” ayuu yidhi saxafigan Carbeed.

Saxafigan Jaber Al-Harmi, wuxuu sheegay in wada hadalka iyo doodda Sucuudiga iyo Madaxweyne Farmaajo socotay laba saacadood oo intaasba la doonayay in lagu qanciyo Soomaaliya inay go’aankaas qaadato. Laakiin aakhirkii uu Farmaajo ku adkaystay inaanu la safan dalalkan xulafada ah ee uu Sucuudigu horkacayo.

Weriyuhu dalkan kale ee Afrikaanka ah muu magacaabin, laakiin warbaahinta Muqdisho ayaa baahisay in Sucuudigu soo dhex maray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo xidhiidh Telefoon la soo sameeyay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Warbaahin kale oo Kenya laga leeyahay ayaa sheegtay in diblomaasi Soomaali ahi u sheegay in wasiirkan hawlgalka fashilmay waday uu ahaa Wasiir Sucuudiyaan ah.

Geesta kale dawladda Qatar ayaa Soomaaliya u dirtay Axadii wasiirul dawlaha arrimaha dibadda ee Qatar Sultan bin Saad al Muraikhi kaas oo Muqdisho kulan kula soo yeeshay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxaana la aaminsanyahay inay Qatar Soomaaliya siisay bedelka caawimooyin uu hore Sucuudigu ugu balan qaaday Soomaaliya oo uu hadda joojiyay.